Duqii Galkacyo Oo Si Lama Filaan ah Xilkii Iskaga Casilay iyo Madaxweyne Qabydiid Oo Ka Hadlay
Gaalkacyo:12-Feb-2014(SDN)-Duqii Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Bile Bashiir ayaa Si Kedis ah ugu dhawaaqay inuu Iska Casilay Xilkii uu Halkaas ka Hayey.
Duqa Magaalada ayaa Inuu Xilkaas iska Casilay kaga Dhawaaqay Munaasibad Maalintii shalay Ka Dhacday Magaalada Gaalkacyo oo uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug Goojoog ka ahaa, waxana si Faahfaahsan u sheegay inuu is Casilaadiisa u Gudbiyey Madaxweynaha Maamulkaas.
Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa oggolaaday is-casilaada duqa magaalada Gaalkayco, wuxuuna Ceynab ku amaanay waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay.
Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay inuu furan yahay tartanka qabashada xilka duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Bile Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaramay mas’uulka bedelli doona inuu dhameystiro howlaha dowladda hoose ee degmada.
Shacabka Reer Galkacyo ayaa wali is Weydiinaya Sababta Keentay inuu Duqani xilka ka Tago, waxana Haatan la Hadal Hayaa cidii Beddeli Lahayd, walow uu Madaxweynuhu Xusay in Tartankiisu Furan yahay.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com