Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka oo Baaqashada Dooda Qaran ku Sifeeyay ta sababtay inuu dalku Gilgisho
Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Dood Cilmiyeedkii ay sida wadajirka ah u qaban qaabinayeen Akadamiyada Nabada iyo Horumarka iyo Daladda Sonsaf oo u baaqatay khilaafka siyaasadeed ee hadheeyey Golaha wakiiladda ayaa sababtay siyaasiyiintii ku bahawday madashii wadatashiga markii ay shalay waayeen in ay Af-ka furtaan oo ay Xukuumadda dusha uga tuuraan Eedo la xidhiidha khilaafka Golaha.
Xasan Ciise Jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure iyo C/raxmaan C/qaadir oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa Xukuumadda ku Eedeeyey in ay sabab u tahay Khilaafka Golaha, waxaanay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqeen in uu maamulkiisa siyaasadeed ee Dalka wax ka bedelo.
Siyaasiyiinta lahayd shirkii wadatashiga oo la filayey in ay Doodaha siyaasadeed ee ay qabaan ku gudbiyaan Shirkii Dood Cilmiyeedka ee baaqday ayaa sheegay taladii ay Xukuumadda u gudbin jireen ee ahayd in wax la saxo in ay tahay ta cawaaqib xumadeedii maanta Dalka Gil-gishay, waxaanay mar kale ku celiyeen in talo la isugu noqdo oo Dalka loo maamulo Nidaam cadaalad ah oo Horumar keeni kara.
Dood Cilmiyeedka baaqatay oo faa’iido dalka u keeni lahayd isla markaana ay ka soo bixi lahaayeen qoddobo muhiim u ahaan lahaa siyaasadda Dalka ayaan la garanayn goorta ay dib u furmi doonto, wallow ay u muuqata in ay halkaas ku saqiirtay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com