|

Wasiirka Amniga Puntland oo ka qayb galay kulan ammaan

Garowe 11.Feb 2014 (SDN)- Kulan ammaanka guud ee Gobalka Nugaal iyo ka shaqaynta hormarka caasumadda Garowe looga hadlayay ayaa maanta (11.Feb.2014) ka dhacay xarunta Gobalka.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore mamulka Gobalka kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.

22_5Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay inay dantu ku jito ka shaqaynta bilicda iyo ammaanka Gobalka Nugaal wuxuna ka digay in laga fogaado dadka doonaya inay dib ugu soo laabteen dhulkii horay looga saaray.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yaha kasoo qayb galka kulankaan ammaanka Gobalka Nugaal iyo hormarkiisa looga hadlayo wuxuna kasoo qayb galayaasha u iftiimiyay inay ahmiyadda kowaad ay tahay ammaanka iyo in la iska kaashado.

Aloore ayaa dadka ku nool magalada Garowe ku ammaanay inay yihiin dad u bisil hormarka iyo ammaanka wuxuna sidoo kale tilmaamay Garowe inay tahay meel indhaha caalamku ay kusoo jeedaan sidaasi darteedna ay lama huraan tahay ka shaqaynta bilicda iyo hagaajinta wadooyinka.
Qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb galay kulanka ayaa balan qaaday dhankooda inay ka shaqayn doonaan hormarka iyo nabadgalyada waxayna soo dhaweeyeen wasiirka cusub ee ammaanka.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed