Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi oo laga duubay kiyoo leh isu soobaxyada Taageereyaashiisu Faaido ma leh
Qahira Feb 11,2014(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Masar ayaa soo bandhigay cajalad ay si sir ah uga duubeen madaxweynihii hore ee Masar oo la hadlaya qareenkiisa.
Madaxweyne Maxamed Morsi ayaa xiliga cajaladan laga duubay ku sugnaa maxkmad dhegeysaneysa denbiyo lagu soo oogay ka dib kolkii xilka xoog looga tuuray.
Cajaladan Maqalka ah ayaa ciidamada Amaanka Masar ay siiyeen mid ka mida jariiradaha ka soo baxa dalkaas oo la yidhaahdo Al-Watan oo deeto daabacday.
Madaxweyne Morsi oo ka jawaabayay soo jeedin uu Qareenkiisu ugu sheegay in isu soo baxyada ay sameeyaan taageereyaashiisu in aaney isbedel keeneynin isla markaana aaney xukunka ku celin kareyn ayaa yiri “Isu soo baxyada iyo dagaalka Boolisku ku hayaanba qaar miro dhalaya ma aha”.
Qareenka Madaxweyne Morsi ayaa deeto u soo jeediyay in ay haatan haboonaan leheyd in la furo wadahadal.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com