Switzerland oo cod gelisay sharci ka dhan ah Qaxootiga iyo Midawga Yurub oo qaylo dhaan uga jawaabay
Brussels Feb 11,2014(SDN)-Cod u qaadida shuruuc lidi ku ah Qaxootiga oo ka dhacdaysa dalka Switzerland ayaa dhul gariir ka riday guud ahaan qaaramada Yurub.
Madaxda Midawga reer Yurub ayaa ka digay in Switzerland oo aan ka mid aheyn midawga Yurub ay ku xadgudubtay mid ka mida shuruucda ugu muhiimsan caalamka “Xoriyada dhaqdhaqaaqa”.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Luxembourg Jean Asselborn ayaa yiri “Xuquuqda isu socodku waa mid ka mida qodobada ugu muhiimsan midawga Yurub,hadii Switzerland ay sharcigaa jebiso waxa ay iska xiri doontaa mid ka mida suuqyada dunida ugu waa weyn:.
Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Faransiiska Laurent Fabius ayaa saxaafada u sheegay in hadii la jebiyo mid ka mida heshiiskii 1999kii lagu aasaasay midawga yurub ay ka dhigan tahay in uu burburay.
Codeynta Switzerland ee isbedelka ku keeneysa isu socodka Yurub ayaa dab ku sii shideysa neceybka reer Yurub ee Qaxootiga.
SDN-Brussels
contact@somalidiasporanews.com