|

Saxaafada Soomaaliya oo si aaney hore u tebin jirin wararka Somaliland u baahiyay qalalaasihii Wakiilada

London Feb 11,2014(SDN)-Saxaafada Soomaaliya oo aan inta badan tebin dhacdooyinka Somaliland ayaa si weyn ugu hawlanaa baahinta qalalaasihii todobaadkan hareeyay Gollaha Wakiilada Somaliland.

Saxaafada Soomaaliya oo inta badan aan Somaliland ku laheyn weriyeyaal uga soo warama ayaa aad uga faaloonayay halka uu ku danbeyn karayo khilaafka Wakiilada.

Ciwaanadooda ayaa laga dheehan karayay xiisaha gaarka ah ee ay u qabeen dhacdadan iyaga oo beeleeynayay nidaamka axsaabeed ee ka Jira Somaliland.

Waxaanad arkeysay iyaga oo isku khaldaya dhalashada siyaasiyiinta ku bahoobay xisbiga Wadani oo ay u heystaan in Beel qura ay yihiin.

Waxaanad mararka qaar moodeysayba in ay la dhacsan yihiin qalalaasaha oo xaaladu dhacdo ka mida kuwa ka dhaca geyiga Soomaalida ee Geeska Africa.

Saxaafadan oo inta badan ku xardhata ciwaanadooda in ay caalemi yihiin isla markaana ay xaqiiqo tebiyaan ayaa muujiyay in ay yihiin uun Warbaahin beeleedyo.

Si kasta oo ay tahay waxa iyagana caadifad dheeri ah muujiyay qaar ka mida saxaafada Somaliland oo kala saari waayay danaha Shakhsi iyo kuwa Qaran.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed