|

Xildhibaan ku goodiyay in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland looga doodi doono gollaha Wakiilada iyo doorka arintani ku laheyd heshiiska Wakiilada

Hargeysa Feb 11,2014(SDN)-Xildhibaan ka tirsan Gollaha Wakilada ee Somaliland ayaa markii u horeysay bada soo dhigay jiritaanka tuhun ku xeeran xaalada Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo in badan ay mucaaridku sheegeen in taladii dalka ee loo igmaday ay cid kale ku tagri faleyso.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale ayaa dhawaan saxaafada u sheegay in Gollaha Wakiilada Somaliland la hor keeni doono motion lagu dalbanayo in dhakhaatiir madaxbanaani ka soo warbixiso xaalada caafimaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Soo bandhigida jiritaanka motionkan ayaa sabab weyn u ahaa in madaxtooyada Somalilans khaasatan madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dalbado in la hakiyo motionkii ka dhanka ahaa guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Sida ay ilo wareedyo tibaaxeena ilaalinta xaalada caafimaad ee dhabta ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ah ta wakhtiga ugu badan lagu lumiyo madaxtooyada Somaliland.

Dooda xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland ayaa sii kordhi doonta kolka lagu sii siqo doorashooyinka Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale ayaa hadalka ka soo yeedhay uu bilow u noqon doonaa dooda xaalada caafimaad ee madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo jiritaanka in awooda dalka ay cid kale ku tagri faleyso.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed