Muqdisho: Ciidanka Ammaanka Oo Xalay Hawlgal Ballaadhan Sameeyey Tiro Dad ahna Ku Soo Qabqabtay
Muqdisho:11-Feb-2014(SDN)-Waxa Mar kale Dib u soo Noqday Cabsidii ay qaraxyada iyo Dilalka Qarsoon Ka qabeen Shacabka Reer Muqdisho, waxana ay Taasi Keentay in Ciidamadu Hawlgalo Xooggan ku Dhaqaaqaan.
Ciidamada Booliska ayaa Habeenkii Xalay ahaa Hawlgallo Xooggan ka Sameeyey Goobo ka Tirsan Muqdisho oo Tuhun Laga Qabay sida Waddada Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.
Ku dhawaad dad lagu qiyaasay 100–qof ayaa xalay lagu soo xidhxidhay howlagalkaas kuwaas oo loo gudbiyay xarunta danbi baadhista magaalada Muqdisho.
Dadka lasoo qabqabtay ayaa qaarkood waxaa laga soo qabtay iyaga oo baabuur saaran ka dib markii laga shakiyay sidaasna xabsiga loogu taxaabay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay howlgaladaas oo ka tirsan saarkiisha ciidamada DF Somalia kuwaas oo xalay fulinaayay howlgaladaas.
Ilaa shalay waxa Magaalada Muqdisho ka Dhacayey Qaraxyo Waaweyn iyo isku dayo di loo lagula kacay Saraakiil Dawladda ka Tirsan, waxana Saaka La SHeegayaa inuu Qarax weyne ka Dhacay Goob ka Tirsan Magaaladaas, walina lama Soo SHeegin Khasaaraha uu Geystay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com