|

Hogaamiyaha Jubba Land Oo Xalay Madaxtooyada Ku Qaabilay Laba Ka Mid ah Ragga Sida Weyn Uga Soo Horjeeda iyo Qodobadii la Isla Meel dhigay

Kismayo:11-Feb-2014(SDN)-Hoggaamiyaha Maamulka Jubba ayaa Habeenkii Xalay Kulan Qarsoodi ah Kismayo kula Yeeshay Qaar ka mid Raggii uu Hore Dagaalka ugaga Xoreeyey Magaaladaasi.

baaleyKulankan oo ahaa mid Albaabadu u xidhan Yihiin, ayaa waxa uu Hoggamiyuhu La Yeeshay Labada Hoggaamiye ee Kala ah Cabdi Baaleey iyo Iftiin Baasto oo  Halkaas ku Sugnaa Tallaaboyinka ay Qaadayaana si weyn loola Socday.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana ka dhacay aqalka madaxtooyada oo labadan hoggaamiye oo baxsadka ah lagu casuumay waxa ay kaga wada hadleen arrimo iyaga quseeya oo dhowr siyaabood isugu jira.

 

Wararka aanu Helayno ayaa Sheegaya in Labadan Hoggaamiye  Guddoomiye Axmed Islaan Ka Codsadeen inuu Siiyo wax ay ku Qancaan oo u dhigma Miisaanka iyo Saamaynta Siyaasadeed ee ay Leeyihiin.

Axmed Madoobe ayaa ilaa hadda guluf iyo dadaal xoog badan ugu jira sidii uu ku hanan lahaa shacab badan, waxana uu isu arkaa nin ka Guulaystay Rag ay hore isu Hayeen oo haatan qaarkood isu soo Dhiibeen, balse Haddana waxa uu Maanka ku Hayaa inaanay Guushu wali soo Wada HOyan, maadaama aan wax lagu Heshiiyey Shacabku  ka Wada Warqabin.

 

Magaalada Kismaayo waxaa ciidamada raaskmabooni ee maamulka Jubba maalmihii la soo dhaafay ay ka geysanayeen falal tacaddi ku ah nafta aadanaha sida Kufsi, dhac iyo dil sida nabadoonno reer Kismaayo ah ay xaqiijiyeen.

Wali shacabka Reer Jubba waxa ay Aaminsan yihiin inaan Nabadii iyo Wada Hadaladii si Rasmi ah loo Gudogelin, waxana ay Tebayaan Hoggaamiyayaal Miisaan Leh oo Goobta ka Maqan, kuwaas oo uu ka mid Yahay Kornayl Barre Hiirraale oo Halkaas Taageerayaal Badan ku Leh.

Hoggaamiyaha Jubba ayaa la Arkaa inuu qaaday Tallaabadii ugu Horrasay ee uu ku Kasban lahaa isku Duubnida iyo wada jirka Shacabkiisa, waxana La aamisan yahay in Haddii uu Maanta si Fiican ula Shaqeeyo Labadan Hoggaamiye inuu Kasban karo Kalsoonida iyo Rabitaanka Shacabkiisa oo aan Wali Midaysnayn.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed