|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Cagajugleyntiisii dib ula noqday fasiraad raqiis ah ka bixiyay

Hargeysa Feb 10,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sharaaxaad jilicsan ka bixiyay ereyo cagajugleyn ahaa oo u jeediyay Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro oo uu ka jeediyay magaalada Liverpool mar uu la hadlayay Jaalida magaaladaasi.

Wasiirka oo hadalkan u sheegay wargeyska Foore ayaa waxa uu yiri“Waxa ay ahayd maahmaah aan ku tilmaamayay loollanka siyaasadeed ee dhex mari doona xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE ee xukuumadda aan ku jiraa ka timid.

Loollanka siyaasadda ee xisbiyadu waa waxa aan ka hadlayay ee kama aanan hadal sankaad caano ka keeni iyo wax la mid ah hadalkayga kumay jirin xaasha cid gaar ah oo aan lahaa sankaad caano ka keeni. Hebelow iyo wax shakhsi ku saabsan marnaba ma odhan, golena kama hadal ee waxa aan kaliya ka hadlayay oo aan idhi hadal kaftan ahaa oo ku saabsan legdinta siyaasadeed gaar ahaan xisbiga WADDANI ee imika isku diyaarinaya Mucaaridada. Taasaan ka hadlay ee wax kale kamaan hadal”.

Wasiir Xirsi ayaa iminka u muuqda nin ku baraarugay iska caabinta ka dhalan karta hab dhaqankiisa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

“Waxa ay ahayd maahmaah aan ku tilmaamayay loollanka siyaasadeed ee dhex mari doona xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI iyo xisbiga aan ka tirsanahay ee KULMIYE ee xukuumadda aan ku jiraa ka timid.

Loollanka siyaasadda ee xisbiyadu waa waxa aan ka hadlayay ee kama aanan hadal sankaad caano ka keeni iyo wax la mid ah hadalkayga kumay jirin xaasha cid gaar ah oo aan lahaa sankaad caano ka keeni. Hebelow iyo wax shakhsi ku saabsan marnaba ma odhan, golena kama hadal ee waxa aan kaliya ka hadlayay oo aan idhi hadal kaftan ahaa oo ku saabsan legdinta siyaasadeed gaar ahaan xisbiga WADDANI ee imika isku diyaarinaya Mucaaridada. Taasaan ka hadlay ee wax kale kamaan hadal

– See more at: http://gaafo.com/306025/wasiirka-madaxtooyadda-oo-beeniyay-in-xukuumaddu-faro-gelisay-wakiiladda/#sthash.0lZ3TPlX.dpuf

Comments are closed