Xirsi iyo Ciro iyamaa gefka u weyn ku jira?
Edmonton Feb 05,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan ayaa khudbad hajabaad ah oo uu ka jeediyay London dad badani siyaabo kala duwan uga faaloodeen.
Xirsi ayaa hanjebaadiisa ku sheegay in tiraba dhawr iyo afartan sharci durduro ku marsaday.
Halka uu Guddoomiye ciro dhawaan ka marsaday sharci hoos u dhigaya ku-xigeenadiisa.
Xirsi uma arko shuruucdii faraha badneyd ee uu gollaha marsaday guddoomiye Ciro xiliyadii Doorashooyinka,malaha xilgaa waa la wada socday?.
Hadiise aanu u soo noqono odhaahda Xirsi oo run ahaantii sawir ka bixineysa sharciyada qodobada uu marsaday ayaa hadan waxa ay hal geedo ku noqoneysa Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Ciro.
Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Wadani waxa uu ku jiraa laba gefood uu is dulsaaran.
Mar waxa uu ku gefay shacabka reer Somaliland ee uu Guddoomiyaha hay’ada Sharci dejinta u yahay.
Waxa uu sida hadalka Xirsi laga dhadhansanayo gacan ka geystay marinta shuruuc aan dan Qaranka ugu jirin oouu wasiirku qiranayo.
Sidoo kale Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa kiyoo ah Guddoomiye xisbi Mucaarid hadana waxa uu daba marteyn ku sameeyay Wadani oo ay aheyd in ay xukuumada xakameynteeda ka shaqeeyaan.
Waxa la isweydiin karaa waxa uu guddoomiye Cirro codka ku weydiisan doono shacabka ay saameynta xun ku yeelato noloshooda shuruucda uu Wasiir Xirsi sheegay in uu marsaday.
Wasiir Xirsi waa ninkaa la soo xulay isla markaana dhex mushaaxaya hawlo aanu aqoon iyo karti midna u leheyn fulintooda,waxaanu muujiyay uun wixii lagu eedeyn jiray.
Wuxuuse cirro ku dhaamaa in aaney la xisaabtabtameyn cid aan aheyn Madaxtooyada.
SDN-Edmonton
contact@somalidiasporanews.com