|

Waan ku diirsadaa Hadalada Qaarkood,Qaarna ma jecli inaan maqlo

Waad salaamantihiin dhamaan inta akhrisata maqaalkan oo aan uga gol leeyahay arimo dhawra. midka koowaad waxaan hambalyo u dirayaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Cakuse oo aan maqlay isagoo leh mar kasta Somaliland ayaa garta leh, hadaa yaa kale  Allaaya Cisak , waxaa fiicnaan lahayd in Somaliland hesho dhawr wasiir oo sidaa Cakuse hadal yaqaan ah, isla markaana wadada saxda ah cagta u saara cid kasta oo qarankan riwaayad la soo raadsata iyo ku day. Waxaan aad ula mabsuuday erayada  uu isticmaalayay ee hiilka cad u ahaa Somaliland isagoon cidna ku gefayn.
sidoo kale midh looma reebin Universal iyo cida soo adeegsata ee dab ha hindhisaan, waxaan arkaayay caawa iyagoo xejin waayay hadaladii gantaalaha ahaa ee wasiirka oo barnaamij ay ugu yeedheen somaliland iyo saxaafada maxaa kala haysta kolba dhinac u ridaya, dee maxaa kala haysta saxaafadu haday edabsan waydo casharo ay wax ku qaataan ayaa loo dhigayaa, oo weliba lama ilaawaana. cidna  loo daba fadhiisan maayo Somaliland iyo masuuliyiinteeda cidii ixtiraami waydana waa loo dhamaynayaa.
Tan labaad ee aan uga faa’iidaysanayo maqaalkan waxaan la yaabay  Nin la yidhi waa agaasime guud oo bilaabay shaqadii maareeyaha  hada waxaan ka akhriyay website-ka Halbeeg ku yeh Wasiir Cakuse ayay isku dhaceen agaasimaha socod baradka ah ee siyaasada ku cusub, Waxa la yidhi ‘baqal fardo la daaqday faras bay is moodaa waar waa iska dhab isaga oo aan laba qabsan siyaasada iyo sida loola macaamilo masuulka kaa sareeya ayuu isku waalay nin ka waayo-aragsan oo nin daaye qaran dhan u babac dhigi kara(Cakuse) walee waa rageedii.Weligoodba kolba meel ha ka maraan way muuqataa inuu cid kasta ka badinayo, waayo  waa  daacad , balse dadkeenu ma jecla qofka daacada ah wax is daba marinta ayay ku if iyo aakhiraba seegaan,Illaahaw soo hadee kuwaa.
Anigu waxaan aad ula socdaa saxaafada ujeedadaydu waa in aan kala socdo horumarka iyo qadiyada somaliland keliya wax kalese ma xiiseeyo,waxaanan taageersanahay qof kasta oo u hiilanaya qaranka somaliland ee curdinka ah oo aan aaminsanay inuu yahay lama taabtaan waxaanan la jiraa xukuumad kasta oo mayalka u qabata hogaamintiisa tii c.raxmaan waan taageersanaa, tii Maxamed Ibrahim cigal sidoo kale labadoodaba Alle haw naxariisto , Daahir rayaale waan tagersanaa, Xukuumadan u dambaysay oo wax badan oo la taaban karo qabatayna si wayn ayaan u taageersanahay. Ninkii Hadlayaa hayska hadlee walee way hana qaaday Somaliland.
hadaan inyar ku soo noqdo Warfaafinta waxaan u aqaan muraayada laga arko milgaha iyo sharafta xukuumad iyo dal  leedahay waxaana haboon in ay safka hore ka gasho muuqaalada qurxoon ee hogaaminta xukuumada, inkasta oo khilaaf jiray hadana hawsheedu si fiican ayay u socotaa, waxaanan ka rajeynayaa Madaxweynaha Somaliland ee nabada jecel in uu si cad u qeexo masuuliyada warfaafinta qaybaheeda kala duwan iyo cida xukuumadu u igmatay, oo uu awood buuxda u siiyo hawsheeda (Full Attourity)
dhankeeda Bulshada Somaliland looma tilmaamo Ilaalinta qadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland oo jaceylka ay u qabaan wuxuu buux dhaafiyay qalbiyadood haday soo jeedaan iyo haday hurdaanba waa mid ay ka siman yihiin,mid midka ibriiqa daba qaata xukuumada loo joojin maayo oo xaalkoodu waa habar bayska haw haw lehe Heelada inoo tuma sababtoo ah sidaa waxay ku dhaamaan lama hayo.
sidoo kale waxaan u soo jeedinaya inta imika talada gacanta ku haysa ee Illaahay u geliyay inay qalqalooca iyo qardoofada ka jiraan.hilinka toosana ku hagaan dulqaadkeedana yeeshaan.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Illaahaw xaqa na garansii mar kasta…
Salah.B.Ahmed
Sanca,Yeman
salamed91@gmail.com

Comments are closed