Xubnihii Golaha Wasiirada ee Madaxweyne C.Weli Gaas oo Maanta la Ansixiyay SAWIRO
Garowe 04.Feb 2014 (SDN)- Baarlamaanka Puntland ayaa kulan uu maanta ku yeeshay xaruntiisa Garoowe ku ansixiyey golaha wasiirrada cusub ee maamulka.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen 56 xildhibaan, kuwaas  dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay shaqayn karto xukuumaddu.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wax ka qabanayso arrimaha ammaanka, horumarka, midaynta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Wuxuu kula dardaarmay wasiirrada inay hufnaan ugu adeegaan dadkooda, isagoona u mahadceliyey golaha wakiillada Puntaland.
Golaha wasiirrada maamulka Puntland oo ka kooban 47 xubnood ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii tagtay ee sanadkan.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com