|

“Waa in Amaanka Magaalada Muqdisho la Adkeeyaa” Ra’isal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 04.Feb 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday hay’adaha ammaanka inay jawaab ka bixiyaan weerarradii madaafiicda ee labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

cabdiweli-sheekh2Raysul wasaare Cabdiweli ayaa maanta la kulmay madaxda hay’adaha ammaanka qaranka sida wasiirka amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeennadiisa, taliyaha ciidanka booliska, General Saacid, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, guddoomiyeyaasha dhammaan degmooyinka gobolka, taliyeyaasha saldhigyada iyo kuwa nabad-sugidda.

Isagoo ka hadlayay kulanka, raysul wasaare Cabdiweli ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay adkeeyaan nabadda maalin iyo habeen, feejignaan dheeri ahna la muujiyo.

Wuxuu ku baaqay in tallaabo laga qaado cid kasta oo ka tirsan hay’adaha ammaanka oo dayacda waajibaadkeeda ka saaran sugidda amniga ee loo igmaday, si aanay mar kale u soo noqon falalkan oo kale.

Wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay raysul wasaaraha inuu ka xun yahay khalkhalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, wuxuuna ballan-qaaday in gacan bir ah lagu qaban doono ammaanka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed