Jabuuti iyo Mareykanka oo wadajir u martigelineya kulanka la dagaalanka Argegixisada Gacanka
Jabuti Feb 04,2014(SDN)-Dalalka Jamhuuriyada Jabuuti iyo Mareykanka ayaa martigelinaya kulankii labaad ee ladagaalanka argegixisada Gacanka sida ay shaacisay wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka.
Kulankan oo ah kiisii labaad oo daba socda mid sanadkii hore ay ka qeybgaleen dawladaha Mareykanka Yemen Jabuuti iyo Soomaaliya.
Kulanka la dagaalanka agagixisada Gacanka ayaa looga gol leeyahay sidii dawladahani ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacidada Yemen.
Kulanka waxa la isula eegi doonaa sidii ay wadamadani isugu xidhi lahaayeen dedaaladooda la dagaalanka argegixisada.
Lixda masuul oo ka kala socda Jabuuti,Yemen iyo Soomaaliya oo ay weheliyaan safiirka Mareykanka u fadhida Jabuuti Geeta Pasi ayaa kulanka ka qeybgelidoona.
Kulanka la dagaalanka Argegixisada Gacanka oo bilowday maalinimadii shalay ayaa waxa uu socon doonaa ilaa maalinta berito.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com