|

Qarax Ismiidaamin ah Oo Xalay Ka Dhacay Dalka Lubnaan

Beirut:Feb-04-2014(SDN)-Qarax Is  Miidaamin ah ayaa lala Eegtay Xalay Magaalo Ku Taalla Dhinaca Koonfureed ee Dalka Lubnaan, iyadoo Halkaana ay ka Dhasheen Dhimasho iyo Dhaawacyo badani.

lubWasaarada arimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegtay in ruux is qarxiyay uu iska buuxiyay waxyaabaha qarxa isagoo adeegsaday gaadhi yar intii lagu gudo jiray xiliga kala hoyaadka.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah meel ay ku badan yihiin Dadka Kisistaanka iyo shacabka Druze, waxaana qaraxa uu ahaa mid laga Maqlayey Meelo Badan oo Dalka Ka mid ah.

“Ruux xidhnaa waxyaabaha qarxa oo saarnaa gaadhi yar ayaa isku qarxiyay magaalada Choueifat” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha dalka Lubnaan Marwan Charbel.

 

Wuxuu intaasi ku daray in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyooday qaraxa, laakiin ma uu sii cadeyn inuu ku jiro ruux is qarxiyay iyo inkale.

 

Hayada bisha cas ee dalkaasi ayaa sheegtay in laba ruux oo kala ah rag iyo dumar ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasi oo xiligaa aan ka fogeyn halka qaraxa ismiidamin ah uu ka dhacay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed