|

Khilaafyka Masuuliyiinta Wada-shaqayntu Ka Dhaxayso ee Xukuumadda Siilaanyo Oo Xadhkaha Goostay Iyo Laba Wasaaradood Oo Haatan U Xanniban Muranka Madaxdooda Dhex Yaalla+ Turxaanbixinteeda Oo Laga Sugayo Soo Noqoshada Madaxweynaha

Hargeysa:Feb-04-2014(SDN)-Waxa  Meel Xun Haatan Maraya Muranka iyo isqabqabsiga dhexyaalla Masuuliyiinta Ka Tirsan  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee waliba isku Shaqada ah.

gaas gaasTiro ka mid ah Hay’adaha Dawladda Gaar ahaan kuwooda ugu Muhiimsan, ayaa Maalmihii ugu dambeeyey Masuuliyiinta Gacanta ku haysa uu ka soo yeedhayey Muran iyo Khilaaf dhexyaalla, waxana gebi ahaanba istaagtay wada-shaqayntii iyo isku Duubnidii loo Baahnaa si Shaqada loo Dardar Geliyo.

Wasaaradaha  ama Xarumaha Muhiimka ah ee Ilaa iyo Haatan intii madaxweyne Siilaanyo  waddanka dibadiisa ku Maqnaa Khilaafku  Hilifaha u Laabay ee u garbaduuban Khilaafka Masuuliyiintooda ayaa waxa  ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Kalluumiysiga iyo Agaasimiihiisa Guud, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Agaasimaha Tv-ga Qaranka iyo Waliba Taliyaha Ciidanka Qaranka somaliland iyo Abaanduulaha Guud.

Masuuliyiinta ayaa Dhammaantood khilaafkooda looga Caal waayey madaxtooyada, waxana Fashilmay isku dayo dhawr ahaa oo Madaxweyne-ku-xigeenku  ku doonayey inuu xal kaga gaadho Arrintooda.

Sidoo kale waxa Aanay Shaqo fiicani ka Soconin xarumaha Wasaaradahaas ama Hay’adahaas Khilaafku ka Jiro ka dib markii la isku Maandhaafay Saxeexyada iyo Dhaqaajinta Hawlaha ka Dhexeeya Masuuliyiintaas.

Meelaha Khilaafkoodu Sida weyn waddanka oo  dhan u saameyey waxa ka mid ah Wasaaradda Warfaafinnta oo wasiirkeedu  shalay oo ugu dambaysay uu xayiray Miisaaniyaddii Tv-ga ee Sanadkan, maadaama uu saluugay wadashaqaynta ka dhexaysa Agaasimihiisa oo ku Andacoonaya inuu ka madax bannaan yahay.

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali jaamac Buureed ayaa Toddobaadkii hore soo Saaray amar uu Xarunta wasaaradda kaga Mamnuucayo Agaasimaha Wasaaradiisa Maxamed  Cilmi Aadan, iyagoo La Sheegay inay isku Maandhaafsan yihiin Lacago mashaariic ah oo ay wasaaraddu heshay.

Khilaafkii Dibadda u soo Baxay ee Dhexyaallay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqalle iyo Abaanduulihiisa Mr Calas, ayaan wali dhammaanin iyadoo la sheegay in madaxweynaha Arrintaas lala Sugayo.

Haddaba Khilaafyada Noocan oo kale ah oo sida xaqiiqadda ah tusaale fiican u ah Burburka iyo Jileeca Dawladnimo ayaa noqday kuwo ku soo Baddanaya Somaliland, waxana Jira Hay’ado kale oo hore khilaaf dhexdooda uga yimi Masuuliyiintooda oo aan wali La Xallin sida midkii hore u dhexyaallay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Agaasimihiisa oo isagu Gacan Ka Hadal Gaadhay.

Arrimahan ayaa si weyn looga Hadal hayaa guud ahaan somaliland, waxana Dadka Siyaasadda Xukuumadda Dhaliilaa ay ku Doonayaan inay sababtu Tahay Madaxweyne Siilaanyo oo aan Haba Yaraatee Wax Aqoon iyo Khibrad ah u lahayn Hannaanka loo Dhammeeyo Khilaafyada soo Kala Dhexgala Masuuliyiinta Xilka iyo Wadda-shaqayntu ka Dhexayso.

Hore waxa isku Khilaafay isla-markaana arrintoodu meel xun gaadhay  Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta, waxana Madaxweyne Siilaanyo Arrintaas u xalliyey Hab aan Wanaagsanayn, maadaama aan la Daweyn wixii labada Masuul isku Hayeen oo kaliya Laga Codsaday inay Wada Shaqeeyaan.

Madaxweyne Siilaanyo oo lagu wado inuu dhawaan waddanka ku soo Noqdo, isla-markaana lala Sugayo inuu Xiddidada u siibo Khilaafyada Kooxdan soo Kala Dhexgalay, ayaa Looga Baahan yahay inuu si Hawlkarnimo iyo Masuuliyadi ku dheehan Tahay u Turxaan Bixiyo waxyaabaha la isku Hayo, iyadoo laga Rabo inuu Cawda u jaro  masuulka ay ku caddaato inuu Caqabad ku Yahay Habsami-u-socodka Hawlaha Xukuumadda.

Shacabka ayaa si weyn u sugaya Tallabada uu maddaxweyne Siilaanyo ka qaato Masuuliyiintan xukuumadiisa Ceebta u soo Jiiday, waxana ay Filayaan Wax ka duwan Caadooyinkiisa uu Khilaafyadan oo kale la Miciinsado ee ah inay wada shaqayn Muujiyaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed