“Kartoonisku sharciga waxay kala mid yihiin saxaafadda kale, laakiin” Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Solja
Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Xogyaha guud ee ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa ka hadlay xayiraadda xukuumnadda Somaliland maanta saartay xafiisyadii Telefishanka Unversal ku lahaa Somaliland.
Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo maanta saxaafaddu waydiisay sida uu u arko xayiraadda Telefiishanka Universal, ayaa sheegay inaanu daawan barnaamijka xukuumaddu ka cadhootay ee xayiraadda keenay, balse aan hay’ad warbaahineed la xayiri Karin ee maxkamadda laga dacweyn karo “Hay’ad Warbaahineed ruqsada lagalama noqon karo ee Waala Dacweyn karaa, xeerka saxaafadda iyo dastuurka Somaliland-ba sidaas ayuu sheegayaa, hadduu dambi galo maxkamadda ayaa lagaga cadayn karaa, markaa arrintaa qalad-baan u arkaa (In Universal la xayiro)” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Xukuumadda waxaanu leenahay xoriyatul-qowlka ilaaliya, oo waxan faraha kala baxa, waxana waxa wada dad saxaafadda iyo xukuumadda isku diraya”.
Xoghayaha oo la waydiiyey inuu jiro sharci u yaala oo khalad ka dhigaya barnaamijyada Kartooniska ah, ayaa ku jawaabay “Kartoonisku sharciga waxay kala mid yihiin saxaafadda kale, laakiin nin wasiir ahi intuu shir jaraa’id iska qabto ma caddayn karo”ayuu yidhi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com