|

Shirkii Turkiga uga Socday Somalia iyo Somaliland oo Soo Dhamaaday iyo Natiijada oo La Filayo Saacadaha Soo Socda

Stanbul:19-Jan-2014(SDN)-Waxa Maanta oo Axad ah la Filayaa inuu Si Rasmi ah u soo gebogeboobo wadahadalkii Dalka Turkiga uga socday Dhinacyada somalia iyo somaliland.

wad wadaShirkan oo indhaha soomaalidu ku jeedaan, ayaa soconayey muddo saddex cisho oo hore ah, waxana in badan la isla jeexjeexay in la soo saaro wax loo dhan yahay oo labada shacab ku qanci karaan.

 

Shirka ayaa shalay oo Sabti ahayd soconayay in kabadan 20 Saacadood, iyadoona labadadhinacba Markii ay heshiiyeen ay isku mari waayeen habka loo qorayo ereyada sida Soomaaliland waxa lagu sheeegayo dawlada, ama dadka Soomaaliland, iyadoona Markii danbe laga gudbay kaidb tanaasul labada dhinac ah, basle si rasmi ah looga oga wali cidda Tanaasulkaas samaysay.

 

Wariye ka tirsan BBC oo ku sugan istanbuul ayaa kusoo waramay, in Ismariwaa dheer kaidb xal la gaadhay, iyadoona ay shegeen in labada dhinacba ay natiijada soo bandhigayaan Maanta oo Axad ah.

 

Labada dhinac ee shiraya ayaa xalay markii ay hadlayeen rajo fiican ka muujiyey wadahadalkii u soo socday in kastoo wali ay taagan tahay damacii iska soo horjeeday ee qolo waliba qaddiyadda ku dhegsanayd.

Somaliland iyada waxa ka Go’an inaaan Gorgortan la Gelin Gooni isu taageeda, balka Somaliyana ay ka Go’an tahay inay midnimadu tahay lama Taabtaan, walina waxa uu muran ka taagan yahay Hannaankii looga wada Hadli lahaa qodobkan oo ah mid laf dhuun gashay ku noqday   geedisocodka wada Hadallada iyo Cidda dhexdhexaadinta waddaba.

Waxa la filayaa in ilaa duhurka wixii ka dambeeya ay soo baxdo Natiijada wixii laga wada Hadlayey, balse shacabka labada dhinac ma qabaan rajo buuran oo la xidhiidha arrintan, maadaama kuwii horeba kusoo dhammaanayeen wax aan macno badan u samaynin  dadka

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed