Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ku Margaday inuu Yahay Murashax Madaxweyne Iyo In kale {DHAGAYSO}
Hargeysa 18.Jan 2014 (SDN) -Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa Gaar ahaaan Xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa Ku Margaday Isla Markaana Jid iyo Ceel u Saari kari Waayay inuu Yahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga Kulmiye .
Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay maalmahan in lala wareegayo in ay is haystaan madaxweynaha, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu sheegay in ay arrintaas wadaan dad Xisbiga ka Xun oo faragalin dibadeed oo ay ku burburinayaan wada, waxaanu ku dooday madaxweyne Siilaanyo in uu taageeradiisa haysto.
“dadka doonaya in ay Madaxweynaha iyo aniga yidhaahdaan way is haystaan waxaan ugu quus goynayaa madaxweynuhu in uu I taageeray markii aan gudoomiye ku-xigenka Xisbiga u ordayey, hadana kii Burco ee uu igu wareejiyey Guddoomiyanimada in uu I taageeray, maalmihii dhawaa ee shirweynaha markii guuxu isku baxayna waa kii yidhi guddoomiyanimada haloo daayo, markaa waxa markhaati iigu filan inuu hore iyo danbyaso taageeradiisa I siiyey, ana sidaas oo kale aan taageero u hayo”.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MuuseBiixi18.mp3″]
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ku Margaday inuu Yahay Murashax Madaxweyne Iyo In kale {DHAGAYSO}
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com