|

“Haatuf oo noqotey meel been Abuurka iyo isku dir Beelaha ku caan baxday” Wax Garad reer Hargeysa ah

Hargeysa Dec 14,2014(SDN)-Annaga oo ah odayaasha magacyadoodu hoos ku qoranyihiin  waxaanu halakan ku caddaynaynaa  in wargeysa la hiydhaa Haatuf oo aanu u haysanay wargeysa madaxnanaa oo dadka ka dhexeeya in uu noqday wargeysa reerka ninka lihi ka soo jeedo amaano reeraha kalana lagu caayo, taasoo ka baxsan Akhlaakhda iyo xeerkii saxaafadda madaxa banaan  dhiiri galinaysana in reer waliba saxaafad u gaara samaysto, Hadii qaranku halkaa gaadhana ay noqoneyso in qabyaaladu xoogeysato, haddii qabyaaladu xoogeysatana waxa meesha ka baxaya qaranimadii.

Waxa tusaale u ah sidii ku cadayd Maaqaaladii uu soo saarey wargeysku ee soo kala baxay January 7, 2014, January 10, 2014, January 8, 2014 January 12, 2014, Oo uu kaga hadlayay in uu ku amaanay wasiirka Arrimaha  Hargeysa  Eng. Xuseen Jiciir, iyo Engineerka u qaabilsan biyaha Khaliifa Foundation Eng. C/raxmaaan, Culimada ka shaqeysa samafalka ee aan ka soo jeedin beeshiisa, iyo Sidoo kale General Jaamac Maxmed, Engineer Yuusuf Gaydh iyo  Safiirka wareega ee JSL Kaysar Axmed C/laahi dadkaas oo kasoo wada jeeda beel kaliya kuwa uu amaanayna ay biishiisa yihiin, taasi waxay cadaynaysaa in aanu wargeysaka Haatuf ahayn mid madax sbanaan oo ku shaqeeya akhlaaqada saxaafadda.

Annaga oo aan jawaab ka dhigayn inaanu cayno beeshiisa, hadana somalidu waxay tidhaahdaa Awr xumi Geel ayuu ka dhashay.

Waxaanu  dadka u Xigaalka ah ee uu isaga dhigayo in uu difaacayo iyo Xukuumadaba u sheegeynaa in arrintaasi wax laga qabto, arrintaas oo soo noq noqotey, Maadaama oo aanu Wargeyskani ka shaqeynayn wax umadda iyos dalka midna u dan ahayn, uu wadana iska horkeen.

Annaga oo ah odayaashii beesha waxaanu leenahay haduu mar dambe ku celiyo ama uu ka Waantoobi waayo  Haatuf cayda iyo aflagaada madaxda in aanu leenahay dad la nooca oo jawaab ku haboon siin doona.
Odayaal ka mida Beelaha Daa’ud Ismaaciil (Ciidagale):

1.    Jiif Caaqil C/rizaaq Maxamed Askar
2.    Mataan  Gahayr Cilmi
3.    Iid Xasan Axmed
4.    Ibraahim Cali Amxed
5.    Yuusuf Cabdi jaamac
6.    Cabdi Muuse Cawl.

Comments are closed