Rag xiran direyska Ciidamada dawlada oo Kenyati Magaalada Muqdisho ku afduubay
Muqdisho Jan 14,2014(SDN)-Rag hubeysan ayaa xaafada Tiribuunka ee degmeda Hodan waxa ay ku afduubteen muwaadiniin u dhashay dalka Kenya oo la sheegay in ay u shaqeynayeen shirkad shidaalka baarta oo ganacsato Soomaali ahi leeyihiin.
Ma cada cida ay ahaayeen meliishaadkan afduubka ku kexeystay shidaal baareyaashan Kenyaatiga ah balse waxa la sheegay in ay xirnaayeen direyska ciidamada dawlada.
Afduubkan ayaa ku soo beegmaya xili ay kooxda Al Shabaab dhawaan ku celiyeen digniin ay hore ugu sheegeen in ay weerari doonaan ajaanibta iyo dadka la shaqeeya.
Dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaan weli ka hadal afduubkan Muqdisho loogu geystay engineeradan.
Sidoo kale waxaan weli jirin cid sheegatay afduubka iyo ujjeedada ay ka leeyihiin.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com