Cali Khaliif Oo Hoggaaminta Madaxweyne Xasan ku Sifeeyey Mid Maraysa Dariiqii uu Siyaad Barre ku Burburiyey Qarankii Soomaaliyeed
Muqdisho:14-Jan-2014(SDN)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cali Khaliif Galaydh, Ahna xubin ka Tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa markale Weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasa Sheekh Maxamuud oo ay si weyn dhinaca siyaasadda iskaga soo horjeedaan.
Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Xasan Shiikh uu ka sii daran yahay go’aamadiisa iyo xukun isku ururintiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare, taasi oo ka dhigeysa in dowladnimada ay dhaqaaqi weydo.
“Xasan Shiikh waxaan ku tilmaami karaa inuu ka daran yahay Maxamed Siyaad Barre, balse waxa kaliya oo ay ku kala duwan yihiin waa inaanu ciidankii xooga badnaa heysan” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inuu magacaabista wasiirada ku hayo farogelin weyn oo baal marsan sharciga dalka u yaal, isagoona si gaar ah uga hadlay inuu wado wasiiro markii horeyba iyaga xukuumadii ay ku jireen u riday.
“Xukuumadda cusub waxa ay ka dhismi la’dahay waa Madaxweynaha oo raba inuu soo celiyo wasiiro hore u sheegtay inay xukuumadoodii fashilantay, haddana raba in xukuumada cusub soo galaan, taasi oo yaabkeeda leh ayaa haddana waxaa muuqata in awooda magacaabista mas’uulkii lahaa loo deyn oo lagu heysto” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh.
Hadalka Cali Khaliif waxaa uu imanaya xilli maanta loo ballansan yahay mooshin horyaala baarlamaanka kaasi oo laga keenay wasiiradii xukuumaddii Saacid Farax ka tirsanaa oo haddana raba inay soo noqdaan.
S.D.N