Baarlamaanka Somalia Oo Maanta La Filayo Inuu Cod u Qaado Mooshinka Lagaga Soo Horjeedo Soo Laabashada Wasiirradii Saacid
Muqdisho:14-Jan-2014(SDN)-Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta Laga Filayaa inay Cod u qaadaan Mooshin la Xidhiidha inaan Xukuumadda Cusub lagu soo Darin Wasiirro ka Tirsan Xukuumaddii Hore ee Ra’isal wasaare Saacid.
Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa maalintii Axada ahayd laga doodday, waxaana xildhibaannada ay u muuqdeen kuwa diiddan in la soo celiyo wasiiradii horre ee Saacid, maadaama Xukuumaddii ay ka Tirsanaayeen ay iyagu Beddeleen.
Lama Garankaro sida ay wax Noqon doonaan, balse waxa ay dhegaha shacabka iyo kuwa madaxda Dawladda Dhexeba ku jihaysan yihiin Go’aanka uu Baarlamaanku ka qaadan doono Arrintan.
Hadal haynta Mooshin ayaa keentay Kulamo ka dhacayey Villa Somalia oo uu Hormuud u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in la soo celiyo qaar ka mid wasiiradii horre gaar ahaan Dam-Jadiid.
Madaxtooyada ayaa la sheegayaa inay sidii ay horeba faraha ula gashay Baarlamaanka Xilligii xilka laga qaadayey Ra’isal wasaare Saacid ay haatanna gacan ugula jirto mooshinkan, waxana jira Shaki ah inuu Guulaysan waayo.
Haddii uu baarlamaanku maanta ku guulaysto inuu arrintan meel mariyo, waxana ay taasi dhirbaaxo siyaasadeed oo xoogan ku tahay madaxweyne Xasan sheikh oo isaga ay ka Go’antahay inuu dib usoo celiyo qaar ka mid ah wasiirradii hore oo ay saaxiibo dhaw yihiin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com