|

Dawladda Ethiopia Oo Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Uga Digtay Inuu Colaad Ka Huriyo Deegaanada Sool iyo Sanaag Bari

Addis ababa:14-Jan-2014(SDN)-Wararka Laga helayo Dhinaca Ethiopia ayaa sheegay in Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos uu  u diray Madaxweynaha Cusub ee Dhawaan loo doortay Maamulka Puntland, isagoo ku lifaaqay Awaamiir badan oo la xidhiidha Hannaanka Wada-shaqayneed ee Maamulkiisa.

 

ambasadorbirhaneWasiiru Dawluhu waxa uu ugu horrayn u hambalyeeyey doorashadiisa cusub ee Puntland, wuxuuna u sheegay in dalka Ethiopia uu si dhaw ula shaqaynaayo isaga iyo dadka reer Puntland-ba.

 

 

Sida warku sheegayo, Berhane Gebre-Christos, waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay mawqifka Ethiopia ee gobolka Sool ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood iyo sida ay Ethiopia u aragto khilaafka gobolkaasi ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

 

 

Waraaqda wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Berhane Gebre-Christos uu u gudbiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa sidoo kale ay uga digtay inuu ka fogaado isku dhac militery oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Puntland ee uu hoggaankiisa qabtay.

Berhane Gebre-Christos, ayaa sheegay inaanay Ethiopia raali ka noqonaynin in khilaafka labada dhinac loo adeegsado gacan ka hadal taasi oo wax weyn u dhibeysa ammaanka iyo nabadgelyada gobollada Sool iyo Sanaag Berri.

Lama garanayo in dhambaalkaasi la sheeghay inay dawladda Ethiopia u dirtay madaxweynaha cusub ee Puntland uu ka danbeeyey cabasho ay Somaliland uga gudbisay dowladda Ethiopia ,waxaase la ogyahay in khilaafaad soo noq noqday oo labada dhinac dhex maray ay dhex dhexaadin ka gashay dowladda Ethiopia.

Ethiopia, ayaa dhowaanahan noqotay  Garsooraha bariga Africa, yada oo ku lug yeelatay khilaafko ay ka mid yihiin Somaliland vs Ethiopia, DF vs Jubaland iyo kan hadda ee South Sudan.

Qoraalkan ayaa ah mid Guud ahaanba si weyn u faraxgeliyey Somaliland, waxana si weyn looga Hadal hayaa dhammaanba Meelaha Somaliland Gacanta ku Hayso, iyadoo markii hore  ay jirtey cabsi la xidhiidha isku dhacyo ka yimaadda Goobaha Maamulka Khaatumo uu sheegto, maadaama haatan Madaxweyne-ku-xigeenka Cusubi Ka Soo Jeedo Deegaankaas.

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed