|

Dulucda Shir Maanta ay Beel ka Mid ah Kuwa Dega Gobolka Daad Madheedh uga Furmay Degmada Haro Sheekh

Haro-Sheekh 13.Jan 2014 (SDN)- Shir beeleed lagaga hadlayo aayaha iyo horumarka gobolka Daad-madheedh ayaa maanta beesha Ugaadh-cumar ee gobolka Daad-madheedh uga furmay degmadda Haro-sheekh.

 

HarosheekhShirkan ayay furitaankiisa  ka soo qayb-galeen  Gudoomiyaha Goboka Daadmadheedh iyo Agaasimaha  Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud,   Taliyaha  Qaybta Booliiska iyo madax kale.

Waxana ugu horayn madaxdan uga warbixiyay  ajandaha shirka  afhayeenka shirkaasi  Daahir Geel-jire waxaanu yidhi “Waxaan madaxdan u sheegayaa inuu shirkani yahay mid horumarinta deegaankan ku saabsan gaar ahaan dhinacyadda  horumarka, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kaleba. waa  mid ay beeshu danteeda iyo aayaheeda  kaga tashanayso  waa shir lagu gorfayn doono horumarka  gobolka iyo Degmadan Haro sheekh  iyo waliba dhammaanba Somaliland  madaxda noo timidna aad baan u soo dhoweynaynaa.”

Gudoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Jamaal Xuseen Hurre  oo ka hadlay furitaanka shirkan ayaa sheegay in shirkan uu ka filayo inay ka soo baxaan qoddobo waxtar leh oo lagu saacidayo hirgelinta jidka weyn ee isku xidhaya Burco, Oodweyne iyo gobolka Maroodijeex.

 

“Waxaan  ilaahay idiin ka  baryayaa  inuu shirkiinu noqdo mid ay   ka soo baxaan  qoddobo  wax ku ool ah oo lagu horu marinayo Gobolkeena  taasi oo ay kow ka tahay dhismaha wadada isku xidhaysa Burco,Oodweyne,iyo Hargaysa  waayo waxaad ka  mid tihiin meelaha ay wadadu marayso,”ayuu yidhi Badhaabka Daad-madheedh.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada Hawlaha  Guud  Mukhtaar Maxamed  Cali oo isna goob joog ka ahaa shirkan  ayaa sheegay inaanu shirkani ahayn mid siyaasadeedd ee uu yahay mid lagaga tashanayo kaalintii beeshani ay ka geysan lahayd horumarka gobolka ka socda, waxaanu yidhi   “Horta aniga maanta farxad bay ii tahay waayo waxaan isbaranaynaa dadkii oo dhan shirkana dadku waxa ay ka  aamineen inuu yahay mid siyaasadeed oo xisbiyo iyo waxaas lagu  dooranayo laakiin waxaan dadweynaha u sheegayaa inaanu ahayn mid siyaasadeed ee yahay mid mid ay beeshu kaga tashanayso aayaheeda iyo siday  uga qayb qaadan lahaayeen horumarka Dalka  cid kasta oo soo qabanqaabisayna aad baan  ugu mahadnaqayaa.”

Haro Sheekh Daad Madheedh SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed