|

Madaarka Hargaysa oo Noqday Goobta Cabashada Iyo Mudaharaadka Tagsiilayaasha iyo Awaamiir hor leh oo Wasiirka Duulistu soo saaray

Hargaysa 13.Jan 2014 (SDN)- Tagsiilayaasha Madaarka Hargeysa ayaa maanta sameeyey mudaharaad balaadhan oo ay ku dhigeen jidka gala Madaarka, halkaas oo ay isugu soo baxeen.

Madaarka-2Tagsiilayaasha ayaa ka cabanaya qorshe cusub oo wasiirka Duulistu ku soo rogay kaasoo ay toddobaadkii in ay shan cisho madaarka ka shaqeeyaan labada kalena shirkad kale oo gaar loo leeyahay.

Tiraba laba jeer ayay Booliisku xidh xidheen qaar ka mid ah tagsiilayaasha, kuwaas oo lagu khasbay in ay amaraka qaataan, waxaana la soo daayey kadib markii ay u hogaansameen go’aankaas.

Qaar ka mid ah dadka ka ag dhaw agagaarka madaarka ayaa waaheen u sheegay in ay Booliisku qaarkood xidh xidheen, halka kuwo kalena suuqa ay ka Ugaadhsanayeen.

Mudaharaadka Tagsiilayaasha ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii wasiirka Duulista Hawada Somaliland u baxay safar dhinaca Imaaraadka ah.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed