|

Dad Somali ah oo Ka Badan Laba Kun oo Ruux oo Boqortooyada Sucuudigu Soo Masaafurisay Iyo Xildhibaan Dalxa oo ka Hadlay

Muqdisho 13.Jan 2014 (SDN)- Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Soomaali badan oo laga soo tarxiilay waddanka Sacuudiga tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Dalxa-300x198Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka kana tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii kordhayso tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo waddanka Sacuudiga.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in bishii December ee sanadkii 2013 Muqdisho la geeyay 8,500 oo qof oo Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga, isaga oo xusay in labadii maalmood ee la soo dhaafayna Muqdisho ay gaareen in ka badan 2 kun oo Soomaali laga soo masaafuriyay dalka Sacuudiga.

Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin tallaabo qaran oo ay qaadday dowladda Soomaaliya, si wax looga qabto Soomaalida ku nool dalka Sacuudiga ee sida masaafuriska ah loogu soo celinayo waddanka.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay soo rogtay amar ah in waddankeeda laga saaro dadka sida sharci darrada ah ku jooga waddankaasi.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed