|

Dablay Hubaysan oo Magaalada Gaalkacayo Ku Qudh Gooyay Ganacsade Caan ah iyo Xaalada Magaaladaas oo Ruxmaysa

Gaalkacayo 13.Jan 2014 (SDN)- Koox Hubeeysan ayaa Xalay ku dilay Nin Ganacsade ah Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

qarax gaalkacyoGanacsadaha lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyey Xuseen,kaas oo ka mid ahaa  Ganacsatada Suuqa Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in Dilka ay Fuliyeen Labo Wiil oo ku Hubeysnaa Bastoolado kuwaa oo Dilka jkadib goobta ka baxsaday.

waxaa dadka Goobjoogeyaasha ah ay noo sheegeen in Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ay soo gaareen Goobta uu falka ka dhacay si ay gacanta ugu dhigaan Dadkii Falka Geystay.

Majirto ilaa hada Cid loo soo qabtay Falkaasi Dilkaa ee Magaalada Gaalkacyo xalay loogu geeystay ganacsadeha ka mid ah Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo.

Xaafada garosoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay  Xaafadaha Magaaladasi mid ugu badan oo falalka amaan daro ay ka dhacaan,Waxaana Guud ahaana Magaalada Gaalkacayo laga dareemayaa Cabsi Xoogan oo dhanka amaanka ah

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed