|

Ciidamo Tiro Badan Oo Saaka Lagu Soo Daadiyey Waddooyinka Garowe iyo Shacabka Oo Isweydiinaya Sababta Keentay

Garowe:13-Jan-2014(SDN)-Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Garowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa Saaka Ku Waabariistay Ciidamo tiro badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaas.

 

Garoowe-amniga-la-adkeeyay2Ciidankan oo aan u jeeddadooda wax badan lagu Ogayn ayaa u muuqda qaar sugay ammaanka Magaalada Garowe, waxana Haatan ka hor uu madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas dhawaan loo doortay uu amar ku bixiyey in la ilaaliyo Amniga Magaalooyinka waaweyn iyo Goobaha kale ee Muhiimka ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in amarkan uu faray madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, iyadoo haatan ka hor ay jireen warar sheegaya in  la bililiqaystay hub iyo saanad kale oo ciidanka iyo qarankuba lahaa, waxana taas si weyn uga soo horjeestay madaxweyne Cabdiweli oo ku gooddiyey in qof walba lagala xisaabtami doono wixii uu masuulka ka ahaa.

Puntland oo dhawaan yeelatay madaxweyne Cusub, la filayaa inuu dhawaan la wareego Hoggaanka dalka, waxana jira Shakiyo laga Qabo kooxaha islaamiga ah eek u badan Puntland oo laga dareen qabo inay ka Faa’iidaystaan xilliyadan kala guurka ah

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed