|

Golaha Wakiilada oo Warbixin ka Dhagaystay Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Bulshada oo Iftiimiyay Wax ka Bedel ay Sameeyeen Xeerka Aids {DHAGAYSO}

Hargaysa 12.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu shirgudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Dr. Cali Yuusuf Axmed ayaa waxa xildhibaanadu warbixin ka dhageystay gudidda arrimaha bulshada iyo diinta. Guddidan ayaa waxay xildhibaanada warbixin ka siiyeen xeerka asaaska komishanka HIV/AIDska ee qaranka.

GOLAHA WAKIILADA 1Gudoomiyaha guddida arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada mudane Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa uu xildhibaanadii fadhigaa ku sugnaa u sheegay in gudiddu kaabis iyo waxka badal ay ku soo sameeyeen xeerkan.

Xeerkan ayaa waxa soo curisay xukumada isla markaana u soo gudbisay golaha wakiilada iyadoo golaha wakiiladuna warbixin ka dhageystay agaasimaha komishan HIV/AIDska qaranka, sida uu sharcigu dhigaayo.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada iyo diinta ee goalaha wakiilada ayaa waxa uu sheegay in ay guddi ahaan xeerkan soo naaqisheen isla markaana ay kaabis iyo waxka badalba ku soo sameeyeen qodobo ka mida.

Guddida xeerkan soo naaqistay ayaa waxa ay golaha wakiilada u soo jeediyeen in ay xeerkan ansixiyaan maadaama oo uu yahay mid aad u muhiim ah, baahi wayna ay u qabaan Hay’addii ku shaqayn lahayd iyo guud ahaa bulshada Somaliland. Shirgudoonka fadhigaas Dr. Cali Yuusuf ayaa waxa xildhibaanada golaha wakiilada ku wargaliyay in Maalinta Barito (maanta) oo ku began dhalashadii nabigeenii suubanaa ee Muxamed (NNKH) uu Goluhu Fasax yahay, iyadoo fadhiga kan xigaana uu naqondoono maalinta sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Shirgudoonka ayaa waaxa uu guddi hoosaadyada ka codsaday in ay soo dhamaystiraan xeerarka ay gacanta ku hayaan sida xeerka xabsiyada oo ay gacnta ku hayaan guddi hoosaadka garsoorka cadaalada iyo xuquuqal iinsaanku iyo xeerka ganacsiga hawlaha baanka , kaas oo ay gacanta ku hayaan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiiladu. Fadhigan ayaa ahaa kii 13aad ee kal-fadhiga 23-aad oo ay goluhu ku gudo jiraan qodobadiisa.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbixintii Xeerkan ee Xildhibaan Xasan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xakamaynta12.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed