|

Ergo Nabadeed oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ku Sii Jeeda Deegaanka Doco ee Dagaalka Beelaysani Maanta ka dhacay

Hargaysa 12.Jan 2014 (SDN)-  Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa u Kicitimay Deegaanka Doco oo 40 Km dhinaca Waqooyi galbeed ka Xiga Degmada Xudun ee Gobolka Sool kadib markii ay Saaka iyo Shalay Galab ka dhaceen  Shaqaaqo Sababtay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca hal qof .

Cali Maxamed WarancadeShaqaaqadan oo dhex martay laba beelood oo Walaalo ah isla markaana Wada dega deegaankaasi ayaa Warku sheegayaa inay Saaka gaadheen Goobtaasi Ciidamada Qaranka iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane,oo ka soo Kicitimay Magaalada Laascaanood oo uu ku Sugnaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo iyagoo Maraya Magaalada Berbera Khadka Telefoonka kula Hadlay Shabakada Qurbejoognews.com ayaa ugu baaqay labada beelood ee Walaalaha ee Gacan ka Hadalku dhex maray inay u Hogaansamaan Ciidamada Amaanka ee Ku Sugan deegaanka Doco Waxaanu Ilaahay uga baryay intii ku dhimatay Shaqaaqadaas inuu Naxariistiisa Janno ugu deeqo .

Afarta Qof ee Ku Geeriyooday Gacan ka hadalkan ayaa ka soo kala Jeeday labada beelood ee dirirtu dhex martay oo kala ah beesha (Sacad Yoonis) , iyo  beesha  (Jaamac Siyaad).

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa Xubno ka ah Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiiru dawlayaasha Wasaaradaha Maaliyada,iyo Waxbarashada,labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska ,Madaxdhaqameedyo,iyadoo Ujeedada Socdaalkooduna ay Salka ku hayso Sidii ay u damin lahaayeen Xiisada ka taagan deegaankaas.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed