HOOYO KALE AYUU U BAAHAN YAHAY
Dhabta ayay ku haysataa ilmo yar oo ilaa sannad jir ah, waxaa ka muuqata dayacnaan fara badan, se wax muuqaal xannuun muu lahayn ilmahaasi, gacmaheeda mid waxay masaasad ku siinaysay ilmaha, gacanta kalena waxay ku haysataa Sigaar ay budh-budhinayso, inyar kadib waxay dhamaysay sigaarkii waxaan hoosta iska idhi “hadda ayuu ilmuhu nafis helayaa oo neeftu si fiican uga soo baxaysaa”, balse isla markii ay tuurtay haashkii sigaarka waxay dhabta kala soo baxday caagad ay ku jirto xabagta ay kabo-tolayaashu u adeegsadaan samaynta kabaha, laakiin ay iyadu u isticmaalayso daroogo ahaan, hoosta ayaan ka naxay, anigoo aad uga xun dhibka ilmaha yar ee ay dhabta ku haysato haysa, hawadii ku gadaanayd oo sii xumaanaysa, isagii oo kolba qaadanaya hawo daroogaysan oo noocyo kala duwan oo daroogo ahi ku jirto kolba markuu mid ka nafisoba mid kale ayaa la kulmaysa, cabbudh iyo neef-qabatow ayaa isugu darsamay, marmarka qaar waxaa iskaga qaldamaya masaasadda iyo caagadda daroogadu ku jirto oo kolba mid ayay ilmaha siinaysaa.
Waxaa intaas ka daran, malaha neefta iyo hawada xun ee ka soo baxaysa afka hooyadii si uun buu u xamili lahaaye, waxaa ku gadaamadan oo hareeraha kaxiga kolba koox ay dhex galayso oo daroorooyin kala duwan afuufaya, waxaa mararka qaar dhacaysay in mid ka mid ah wiilashaasi sikhraansani ay afka u galinayaan caagadaha ay nuugayaan, ilmuhuna uu moodayo masaasadii oo kolba afka la raadinayo mujurucii.
Waxaan u socday si degdeg ah oo aan rabay inaan meeshan kudaafadda ah ee urta xun leh hore u dhaafo, balse markii aan arkay muuqaalkan dhiilata leh waxaan ilaabay in meeshu ay tahay meeshii aan dhibsanayey ee aan hore islahaa u dhaaf, waxaan cabaar taagnaadoba, oo kolba ay maskaxdaydu amarro kala duwan I siinayso, “ilmaha ka qaad waxan meesha isku haysta…maya armay kula dagaalamaan waxan oo dhami…gabadha oo qudha kaxee oo gee xarunta darbi jiifka…ka celi kuwan ilmaha afka u galinaya xabagta…”!!! ayaan kolba is idhaa balse hadana mid ka soo horjeeda ayaan ka helayay maskaxdayda, ilaa aan cabbaar ka dib is dareemay inaan taaganay meel xun, iyagiina aan is idhi khatar ayay ku galin oo aan iskaga dhaqaaqay anigoon ilmahaas yar waxba u tari karayn iyo kuwan tirada badan ee meesha ku dayacan midna.
Maalintaasi waxay ii ahayd maalin murugo aan u murugoonayey ilmahaas iyo dhibka haysta, kaliya waxaa weeye hooyadii oo ka xumaatay, wallow ay tahay qayb Illaahay u siiyey ilmahaasi yar in hooyadii ay caynkaasi noqoto, hadana aniga walwalkaasi waa mid I hor yimi maalintaas iyo markasta oo aan soo xusuusto, xoogaa haddaan ka socday oo fikirkiina uu sidii ii horyaal, ayaan ku fikiray in inta laga qaato iyada (Hooyadii) loo dhiibo qof kale oo dumar ah oo xanaanaysa una gasha halkii hooyadii, markaasi ayuu igu dhashay fikirkan ah HOOYO KALE AYUU U BAAHAN YAHAY!
Waayo waxaan niyadda ku hayaa heestii Carays Ciise ee Hooyadu waa lama Huraan:
“…Marada ay nagu hantiday
hadaan hoos uga dhacnaa
wadnihii bay ka hinqatoo
calooshay ka halcataye
Hooyadu waa lama huraan
Alaabta horteeda taal
Haddaad laad ku hurguftaa
Habaan wayn kuma dhahdee
Inyarbay ka hifataye
Hooyadu waa lama huraan
Hilowlaha ay dhashaa
Haddii meel laga hayaa
Ama haraan habeen
Watii hoogaysatoo
Ilmadu ka hibitiqdee
Hoyadu waa lama huraan
Haddaan been lagu hadlayn
Wadnaha hawdiisa iyo
Halbowlaha dhiiga wada
Hareer baa laga dhigoo
Halkay joogaan iyagu
Ayaa loosoo wada hoydaye
Hooyadu waa lama huraan
Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan…..”
Aniga oo niyad ku haya heestan iyo baahida ilmuhu u baahan yahay hooyo fiican, ayaa waxay iga manciyeysay inaan ku talaabsado waxa kolba maankayga ku soo dhacayey.
Ilmahan oo kaliya maaha meesha waxaa ka danbaysa meel dhisme aan cidi isticmaalin oo ay ku jiraan kooxo kala duwan oo caagadahan oo kale nuugaya indhahana aad moodo inayna si fiican waxba uga arkayn, way ku soo eegayaan balse kuma arkayaan, maskaxda ayaad moodaa inay meel kale la haysato oo dunidanba ayna joogin.