|

Kenya Oo Sheegatay In Qudha Ka Jartay Hoggaamiye Sare Oo Shabaabka Ka Tirsan Iyo Godane Oo Faro Ciddiyahood ku Badbaaday

Nairobi:12-Jan-2014 (SDN)-Ciidanka Militariga Kenya ayaa markii ugu horraysay Sheegtay inay Weeraro ay ka fuliyeen Koonfurta Somaliya ku dileen Hoggaamiye Ka Tirsan Alshabaab oo Ajaanib ahaa.

Diyaarad-Saraakiil ka tirsan Milateriga ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in sidoo kale weerarkaas ay ku dhinteen 30-kamid ah dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab oo ay ku jireen Saraakiil sar sare oo kooxda ka mid ahaa.

Duqeynta ayaa ka dhacday degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo oo u dhow xuduuda khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegaayan milateriga Kenya.

Afhayeenka Milateriga Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in duqeynta bartilmaamedkiisu ahaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane, balse lala waayey oo uu ka Badbaaday isku daygaas dil.

 

Warar kale oo laga Helay Xafiiska  ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegey in weerarkaas lagu diley nin u dhashey dalka Afqaanistaan kaas oo kahbiir ku ahaa hubka loo yaqaan Hoobiyaha “Moter”

Waxaa ninkaasi magaciisa lagu sheegay Khaalid Abu Cabdirahmaan Al-Afghani.

Sidoo kale Saraakiisha Milateriga ee Kenya ayaa waxay sheegeen duqeynta ay ku burburiyeen gawaadhi dagaal oo ay leeyihin al-Shabaab iyo hub.

 

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Sheegashada Kenya, waxase  haatan jira hadal heyn badan oo la xidhiidha in  Alshabaab weerarkaas lagaga laayey rag sarsare oo muhiim u ahaa.

Kooxaha Alshabaab ayaan iyagu wali si toos ah uga hadlin sheegashada dilalka loo geystay, waxana ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday.

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan gobolada Jubooyinka iyo qaybo kamid ah gobolka Gedo tan iyo sanadkii 2011, waxaana ay la dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka geysatay gudaha Kenya marar badan oo ugu weynaa kii ay ku qaadeen Westgate Mall oo ay ku dhintee ilaa 70-qof oo ajnabi ku jiraan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed