|

FBI-da Maraykanka Oo Soo Saaray War Ku Aaddan Weerarkii Westgate Oo Farxad Geliyey Kenya

Washington:12-Jan-2014(SDN)-Maraykanka ayaa mar kale soo saaray war khilaafsan mid uu muddo ka hor sheegay oo ahaa inay baxsadeen kooxdii weerartay Xarunta Ganacsiga ee Westgate.

fbiWaaxda Gaarka ah ee ciidanka Maraykanka ee loo yaqaano FBI-da, ayaa haatan sheegtay inay aaminsan tahay inay geeriyoodeen kooxdii Weerarka ka Fulisay Xarunta Westgate oo dunidu aad u hadal hayso.

Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyada weerarka kaasi oo dhacay 21 September ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana Alshabaab ay ku micneeyay jawaabta ciidamada Kenya ee soo galay Somalia.

 

Dennis Brady, oo ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa sheegay ka dib waraysi uu bixiyay, inay aaminsan yihiin sida ay ka xigteen saraakiisha Kenya in afar ruux oo kamid ah dadka weerarka qaaday weerarka lagu dilay.

 

“Kooxdayada cadeymaha waday  ayaa xaqiiqada soo saaray, mana jirto wax cadeyn ah oo ku aadan in dagaalyahanada ay ka baxsadeen goobta”ayuu yidhi Dennis Brady oo ka tirsan hayada sirdoonka Mareykanka.

 

Waraysigiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in ururka Alshabaab hadalka ay ku sheegeen inay baxsadeen dadkii weerarka geystay uu yahay mid been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay.

 

Masuliyiin ka tirsan dowlada Kenya ayaa dhawaan maxkamado kala duwan soo taagay dad lagu eedeynayo inay xidhiidh la leeyihiin dadkii weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate, waxana la filayaa in dhawaan xukun cad laga soo saaro dadkaas la eedaynayo.

 

Maalintii uu soo dhamaaday weerarkii westgate waxaa goobta kus ugnaa ciidamada baadhitaanada sameynayay, waxaana ay wadeen arinta ku aadan qaabkii dhismaha loo weeraray iyo istaraatiijiyadda ay kooxda islaamiga ahi ku gashay goobta.

Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyada weerarka kaasi oo dhacay 21 September ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana Alshabaab ay ku micneeyay jawaabta ciidamada Kenya ee soo galay Somalia.

Hadalkan haatan ka soo yeedhay  Ciidanka Maraykanka ayaa farxad u ah Dawladda Kenya oo Fashilkii kaga yimi Weerarkan kaga galgalatay inay dileen dhammaan dadkii weerarka geysgtay, waxana ay hore uga soo horjeedsatay Hadal ciidamada Maraykanku ku sheegeen inay suurtogal tahay inay kooxdii weerarka Geysatay Baxsatay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed