|

Dawlada Kenya oo ilbaabada u laabatay xarumo ciidan oo xadka Soomaaliya ku yaal iyo siyaasiyiin sheegay in Kenya guuldareysatay

Garissa Jan 12,2014(SDN)Dawlada dalka Kenya ayaa shaacisay in ay gebi ahaanba ilbaabada u laabtay goobo baaritaan oo ciidamadoodu ku lahaayeen xadka Soomaaliya ay la wadaagaan.

Goaankan ayay saraakiisha ciidan ee dalkaasi ku micneeyeen in uu yahay mid salka ku haya dib u qalabeyn iyo kordhin ay doonayaan in ay ku sameeyaan ciidamada goobaha ku sugnaan doona.

“Waa dhab in aanu xirnay saldhigyo ciidan oo xadka Soomaaliya ku yaal,si aanu ciidamada u kordhino,ciidamadayada haatan khatar ayay ku sugan yihiin”sidaa waxa saxaafada u xaqiijiyay Chris Muthe oo ah taliye qeybeed ka tirsan ciidanka Kenya.

Sanadka ayaa durba waxa kooxo hubeysan oo Soomaaliya ka duulay waxa ay dileen ilaa 10 askari oo ka mid ah ciidamada ilaalada xadka ee dalka Kenya.

Siyaasiyiinta gobolka Woqooyi bari ee Kenya oo uu hogaaminaayo Xuseen Macalim Maxamed ayaa goaanka ku tilmaamay isdhiibid ay dawladu isugu dhiibtay argegixisada.

“Sidee bay dawlad guul ka sheegatay weerar ay dal kale ku qaaday ay saldhigyadeeda u xirtaa iyada oo dadkeeda uga tageysa argegixiso”ayuu yiri Xuseen Macamil Maxamed.

Dawlada Kenya ayaa degenaasho la’aan ba’ani ka soo gaartay faro gelintii ay ku sameysay dalka Soomalaiya oo ay ciidamadeedu ilaa iyo haatan ku sugan yihiin.

SDN-Garisa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed