|

Gudoomiyaha Gudida Olombikada Qaranka Somaliland Xasan Waraabe Cade Oo Safar Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Wadanka Chinaha oo dalka dib ugu soo noqday

Hargeysa Jan 12,2014(SDN)-Gudoomiyaha Xidhiidhka Cayaaraha Fudud Ee Olombikada Qaranka Somailand Md Xasan Maxamed Cabdalle (Xasan Waraabe Cadde) Ayaa Maanta Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Hargeysa Socdaal Hawleed Oo uu Ugu Maqnaa Wadanka Chinaha.

Iyada Oo ay Halkaa Kusoo Dhaweeyeen Qaar kamid ah dhalinyarada Kooxaha Sportiga Ee Ka dhisan Caasimada Hargeysa iyo Dadweyne Kale Oo aad u Tira badan.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Cayaaraha Fudud Ee Olombikada Qaranka Somailand Md Xasan Maxamed Cabdalle (Xasan Waraabe Cadde) Ayaa Dhammaanba Uga Mahad Naqay Dadkii Sida Diiran Usoo Dhaweeyay Ee Bahda Cayaaraha Isaga Oo Intaa Kadib  Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay Ina Lagu Dadaali Doono Dhisida  Sharciga Cayaaraha Waxaanu Ballan qaaday Cayaar yahan Kasta Oo Reer Somaliland ah Meesha uu Doono Haka Joogo Dalka Ee Inay Heli doonaan Xuquuq siman Oo isku Mid ah Isku Sina ay u Cayaaraan.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Olombikada Qaranka Somaliland Waxaa uu Intaa Ku daray Awalba Dadaal Xagga Horumarinta Cayaaraha ah Isaga Oo Ku Jiray In haatan Dadaalkaa Lasii Laban laabo Oo Lasoo Kordhiyo Waxaana Uu Balan Qaaday Inuu Rajaayo Intii Karaankiisa ah Uu Dhalinyara Wax u qaban Doono.

Mawliid Maxamed Siciid.
SOLNA AGENCY REPORTER
GOBOLKA MAROODI JEEX-SOMALILAND.

Comments are closed