|

“waxa wax laga xumaado ah in dad biyo la’aan ka cabanaya loogu jawaabo xabad nool” sheekhul baladka Hargaysa Sheekh Ismaaciil Maxamed A ciise

Hargeysa Jan 12,2014(SDN)-Waxa shalay si heer sare loogu soo dhaweeyay caasimadda somaliland ee Hargaysa sheekhul baladka magaaladda Hargaysa sheikh Ismaaciil  Maxamed Aw ciise, oo in muddo ah ku maqnaa Dalka Ingiriiska ee Qaaradda Yurub.sheekha ayaa waxa  gagida  Diyaaraduhu ka haadaan kana soo caga-dhigtaan ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan  Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,culimo,salaadiin,aqoonyahano,siyaasiyiin iyo dadwenyne tiro badan oo luxayay caleemo qoyan iyo sawirka sheekha.waxaana lagu soo galbiyay Gaadiid tiro badan oo soo dhex-qaaday waddada halbawlaha ah ee  ka timaadda Madaarka Hargaysa.

Sheekha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka mahadceliyay sida qiimaha leh ee loogu soo dhaweeyay waddankiisa hooyo,isaga shacabkana u soo jeediyay in ay nabad galyadda ilaashadaan.

 Waxa uu Sheekhu nasiib-darro ku tilmaamay in dad biyo la’aan ka cabanayan  loogu  Jawaabo xabad nool, isaga u duceeyay dadkii wax ku noqday shaqaaqadaa iyadda ah.

Waxa maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayay magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa soo dhaweynta sheekhul baladka magaaladda Sheekh  Ismaaciil   Maxamed  Aw Ciise.

Maxamed  Xasan Daacad

Comments are closed