|

“Madaxweyne waxaanu doonayna inaanu ku sheegno mawqifkayaga ku wajahan gobolka Sool iyo Magaalada Laascanood” Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada ee Ethiopia

Addis Ababa 11.Jan 2014 (SDN)- Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Ambassador Berhane Gebre-Christos ayaa waraaq uu u diray madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul goboleedka Puntland, wuxuu ugu hambalyeeyey doorashadiisa, wuxuuna sheegay in dalka Ethiopia si dhaw ula shaqaynaayo.

Ambassador Berhane Gebre-Christos4Waxaa kale oo Wasiiru dawluhu ka Hadlay Mawqifka Ethiopia ee Gobolka Sool ee Xaruntiisu Tahay Magaalada Laascaanood .

Waraaqda wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Ambassador Berhane Gebre-Christos uu gudbiyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa sidoo kale ay uga digaysay inuu madaxweynaha Puntland ka fogaado isku dhac militery oo dhex mara Somaliland, waxaana waraaqdaasi loogu sheegay inaanay Ethiopia raali ka noqonaynin isku day kasta oo maamulka Gaas uu ku khalkhaliyo ammaanka iyo nabadgelyada gobolada Sool iyo Sanaag Berri.

“Madaxweyne waxaan kugu hambalyeynayna doorashadii lagu doortay maamulka Puntland, waxaanan ku rajaynayna inaad u horseedi doonto dadka puntland ku nool horumar, waxaanu ku muujinayna taageero iyo in dalka Ethiopia si dhaw kuula shaqayn doono sidii aanu ula shaqaynaynay madaxweynahii ka horeeyey ee Cabdiraxmaan” ayaa lagu yidhi waraaqda

Waraaqda oo sii socota ayaa wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Ethiopia ku yidhi “waxaanu madaxweyne ka rajaynayna inaad ka shaqayso degenaanshaha, xasiloonida, iyo nabadgelyada ka jirtay gobolka oo madaxweynahii ka horeeyey uu si weyn uga shaqaynaayey, madaxweyne waxaanu doonayna inaanu ku sheegno mawqifkayaga ku wajahan gobolka Sool iyo magaalada Laascanood iyo dhulka collaadu dhawrka jeer ku dhex martay Somaliland iyo Puntland oo muddooyinkii ugu danbeeyey nabadgelyo iyo xasilooni ku naaloonaayey, ka dib is afgarasho siyaasadeed oo laga gaadhay gobolkaasi, waxaanu madaxweyne kugu adkaynayna inaad ixtiraamto degenaanshaha iyo nabadgelyada ka jirta deegaanka” ayaa uu ku yidhi wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Ethiopia qoraalkiisa.

Lama garanayo in dhambaalkani ay dawladda Ethiopia u dirtay ninka loo doortay madaxweynaha Puntland uu ka danbeeyey cabasho ay Somaliland uga gudbisay, iyadoo la oga in xasiloonida ka jirta gobolka ay dawladda Ethiopia dhex dhexaadin ka gashay, ka dib markii isku dhacyo hubaysan oo sababay dhimasho ay ku dhex mareen dhulka xuduudka ah maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa iyana Maanta Kulan la qaatay Ra’isal Wasaaraha Dawlada Ethiopia  Hayle Maryam Desaliim.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed