|

“Ciidamadan waa unug ay Dowlada Mareykanku ugu talogashay inay talo iyo tusaale milateri siiyaan Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM” Afhayeenka Ciidamada Maraykanka

Nairobi 11.Jan 2014 (SDN)- Dowlada Mareykan ayaa sheegtay in unug ciidamadooda ka tirsan ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, kuwaasoo gacan ka siinaya ciidamada DF iyo kuwa AMISOM dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab.

xx2Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, Tom Davis ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka qaarkood in ciidamadan ay qayb ka yihiin kuwo uu Mareykanku ugu talogalay inay gacan ka geystaan Amni soo celinta Somalia.

“Ciidamadan waa unug ay Dowlada Mareykanku ugu talogashay inay talo iyo tusaale milateri siiyaan Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM si ay u xoojiayaan howlaha lagula dagaalamayo Argagaxisada” ayuu yiri Davis.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadan ay noqonayaa kuwii ugu horeeyay oo Mareykanku uu geeyo Somalia tan iyo 1993-kii markaas oo Mareykanku uu ciidamadiisii qaybta ka ahaa UNOSOM kala baxay Somalia.

Tom Davis wuxuu hadalkiisa ku daray in Ciidamadan la geeyay Somalia bishii October ee Sanadkii hore, balse ay si Rasmi ah howlgalkooda u bilaabeen bishii December ee sanadkii hore 2013.

Dowladda Washington ayaa ahayd dowladii ugu horeysay oo ku dhawaaqday horaantii sanadkii hore inay aqoonsatay Dowlada Federaalka Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sh. Maxamuud, taasoo keentay in DF ay ka hesho caalamka aqoonsiyo ka duwan kuwii hore.

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanku uu sheego Muddo 20-sano ah inay kaga sugan yihiin Somalia ciidamo gaar ah oo gacan ka geysnaya howlgalka looga soo horjeedo Kooxda Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Afrika ayaa waxay gacan ka siiyaan Dowlada Somalia dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo ka talisa
deegaano dhowr ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed