Wasiirka Macdanta oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socda Shirkad Shidaal Baadhiseed oo Imaaraadka laga leeyahay
Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka wasarada macdanta iyo tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda shirkad lagu magacabo RAK GAS oo laga leeyahay imaarada Raysul khaymah ee dalka isu-tagaImaaraadka carabta, taasi oo heshiis shidaal baadhis ah la gashay Somaliland .
Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta oo ka hadlayay ujeedada socdaalka weftigan waxa uu sheegay in weftigan oo ka kooban laba sarkaal oo ka tirsan shirkada RAK GAS ay hordhac u yihiin sidii shirkadu hawlo shidaal baadhis ah ay uga bilaabi lahayeen dalka Somaliland waxanu xusey in shirkadu hawsha si rasmi ah u bilaabi doonto bisha saddexad ee sannadkan, isla markaana ay masuuliyiinta sare ee shirkadu ay dhawaan dalka iman doonan si ay u dar dar galiyaan hawlaha sahaminta iyo baadhista shidaalka .
Waxaanu tilmaamay Wasiirku in shirkadan oo ah tii saddexad ee sannadkan gudihiisa dalka timaada ay hawsha qodista shidaalka bilaabi doonto sannadka 2015 sida ku talagalku yahay .
Osama Abdula Aal oo ku hadlayay magaca shirkada Rak gas waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yihiin safarka ay ku yimaadeen somaliland waxanu xusey in shirkadoodu si rasmi ah hawsha u bilaabi doonto bisha saddexad ee sannadkan waxanu u mahad celiyey xukuumada somaliland gaar ahaan wasiirka wasarada tamarta iyo macdanta sida wanaagsan ee uu ugu soo dhaweyey dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com