|

Wasiirka Duulista oo Golaha Wakiilada ka Horjeediyay Warbixin ku Saabsan Xeerka Duulimaadyada Madaniga ah {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha  Wakiilada  Somaliland oo uu shir-gudoominayay  gudoomiyaha Golahaasi Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro)  ayaa mudenayaashu waxay warbixin ka dhagaysteen Wasiirka wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka wasaarada Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka ayaa Xildhibaanada  fadhiga ka soo xadirey faahfaahin ka siiyey hawlaha ay wasaradiisu u hayso qaranka isagaoo sheegay inay hawlo balaadhan ka qabteen madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in dawladaha adduunku isticmaalaan habab kala duwan xagga madaarrada qaar ay dawladuhu maamulaan iyo qaar ay shirkado madax banaan maamulaan sidaa awgeedna uu xusey inay doonayaan in madaarada somaliland lagu wareejiyo shirkad madax banaan wasaraduna ay dusha kala socoto isla markaana ay u shaqeeyaan si heer caalami ah ,inakastoo aynu nahay qaran aan weli helin aqoonsi caalami ah hadana waxaynu ku qasbanahay inaynu caalamka la shaqayno oo aynu waafajino xeerarka calamiga ah ee ay ku shaqeeyaan shirkadaha iyo dawladaha hawadeena isticmaala.

Wasiirku waxa uu Golaha Wakiilada u soo gudbiyey xeerka duulimaadyada madaniga ah kaas oo uu sheegay inuu ka kooban yahay 91 qodob. Xeerkaas oo uu ku timaamay mid soo maray sharci yaqaanada iyo garyaqaanka guud ee Qaranka, waxana uu ka codsaday xildhibaanada inay ansixiyaan xeerkaasi si loo gaadho ujeedooyinka uu xambaarsan yahay.

.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Warbixinta Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wasiirka-Duulista.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed