Xeerka Wada Shaqaynta Baarlamanka oo Gudida Shuruucda ee Golaha Guurtida loo Xilsaaray
Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida J.S.L oo uu shir gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md:Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku wargeliyey Guddi hoosaadyada joogtada ah inay soo diyaariyaan warbixinahoodii ,si ay Golaha warbixin uga siiyaan howlahooda uu Goluhu u igmaday,
Gudoomiyaha Golahaasi ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Guddida shuruucda ee Golaha Guurtida Xeerkii Barlamaanka ee wada shaqaynta labada Gole ,si ay Guddidu isku soo dabo ridaan Golahana horkeenaan sabtida soo socota .
DHinaca kale Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md saleebaan Maxamuud aadan waxa uu u sheegay Guddi hoosaadyada kala ah Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiaga ah,Guddida nabadgalyada iyo Difaaca iyo Gudida arrimaha Bulshada inay warbixinadahooda soo diyaariyaan si ay Golaha warbixin uga siiyaan howlahooda , ,Goluhuna wuxuu Gudo galay fadhi xidhan oo ay saxaafaddu dibada ka ka joogtay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com