Magacaabista Golaha Wasiirrada Cusub Oo Laf Dhuun Gashay Noqotay, Madaxweyne Xasan oo Ku Dheggen Xubno Hore, Baarlamaanka Oo Muddo Kordhin sameeyey Iyo Baayactankii U Dambeeyey ee Madaxtooyada ka dhacay
Muqdisho:11-Jan-2014 (SDN)-Wali waxa Halkeedii taagan dooddii ka taagnayd soo magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ee Somalia yeelan doonto, waxana la isku mari la’ yahay cidda rasmiga ah ee la soo xulayo.
Wararkii ugu dambeeyey ee ay Heshay Qurbejoog.com, ayaa sheegaya inuu madaxweyne Xasan wali ku dhegsan yahay xubno ka tirsanaa xukuumaddii Saacid oo uu doonayo in mar kale loo magacaabo jagooyinka cusub, iyadoo taasna uu si weyn uga soo horjeedo Ra’isal wasaaraha cusub iyo baarlamaankuba.
Inta Badan xildhibaanada Baarlamaanka ayaa diiday inay soo noqdaan Wasiirradii hore ugu caasigaroobay Ra’isal wasaaare Saacid, iyagoo ku andacoonaya inaanay jirin sabab loo celiyaa maadaama Ra’isal wasaarahoodiiba la beddelay.
Sidoo kale Ra’isal wasaaraha cusub ayaa isuna qaba in Beddelaadii Saacid ay macno beelayso Haddii la soo celiyo qaar ka mid ah golihiisii wasiirada.
Wasiirada la diidan yahay waxaa ka mid ah, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf, Faarax Cabdul Qaadir, Cabdi Xakiin Fiqi, Maxamed Nuur Gacal iyo Maxamed Xasan Suleymaan, inkasta oo qaarkood uu madaxweynaha ka tanaasulay.
Xalay ayaa waxaa Villa Somalia ka socday kullamo xooggan oo madaxweynaha uu ku shukaaminayey xildhibaano badan, iyada oo lagu waramay in qiimihii ay codadka ku gada jireen ay xildhibaano badan kordhiyeen, markii ay arkeen in Xasan Sheekh aan laga fujin karin magacyada xubnaha qaar.
Baarlamanka Somalia, ayaa 10 maalmood ugu kordhiyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli, maadaama waqtigii loo qabtay uu shalay ku ekaa, kuna guul darreystay inuu soo magacaabo golaha wasiirada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowr jeer ka codsaday madaxweynaha inuu u daayo howshiisa magacaabista wasiirada, balse Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu qeyb ka noqdo xulista wasiirada, waana taas sababta la isku mari la’ yahay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com