|

Shil Naxdin Leh Oo Shalay Ka Dhacay Maraykanka Oo ay Ku Geeriyoodeen Afar Somali Isku Ehel Ahaa

Postville:11-Jan-2014(SDN)-Waxa Waqooyiga Magaalada Clermont ee Dalka Maraykanka shalay ka dhacay mid ka mid ah shilalkii ugu naxdinta badnaa ee dad somali ah khasaare ka soo gaadho.

shialiShilkan ayaa sida la sheegay dhacay Maalintii shalay, ayaa waxa ku Nafwaayey Wiil, Hooyadii, Habaryartii iyo Haweenay kale oo ay qaraabo ahaayeen oo safar ku wada jirey.

Shilkan ayaa ka dhacay Highway 18, waxana uu dhacay 8:46 ee barqanimo kaddib markii ay isku dhaceen gaadhi ah nooca loo yaqaan Chevy Truck iyo Toyoto Van.

Gaadhiga ah nooca Toyota Van waxaa watey afarta Soomaalida ah ee geeriyoodey, Halka Gaadhiga kale  uu jiidayey ama sidey caws bundado ah ama aad u tiro badan.

Gaadhiga Van-ka ah waxaa wadey Shariff Hussein Warsame (28 jir), waxaana la saarnaa saddexda qof ee la geeriyoodey oo kala ah Miski Yahye Mohamed (34-jir); Khadija Mohamed (53-jir); Maryan Kulane (25-jir) oo dhammaan deganaa magaalada Postville ee gobolka Iowa. Waxayna ku geeriyoodeen isla bartii shilku ka dhacay.

Gaadhiga kale labadii qof ee saarnaa waa dhaawacmeen waxaana loo qaaday cisbitaal iyagoo ah dhaawac, waxaana magacyadoodu kala yihiin Tony Schlee (57-jir) oo ahaa dareewalka iyo Pamela Schlee (58-jir).

Wararku waxay tibaaxeen in baadhitaan ay boolisku ku wadaan sidii shilkaasi u dhacay.

Dalka maraykanka waxaa sannad kasta ka dhaca shilal ay ku naf waayaan dad aad u farabadan, tusaale ahaan sannadkii 2012 waxaa shilal ka dhacay Maraykanka ku geeriyoodey dad gaadhaya 34,080 -qof.

 

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed