Shacabka Caasimadda Hargeysa Oo Si Weyn U Hadal Haya Iscasilaadda Xamarji Laga Sheegay iyo Sababa ay U Nisbeeyeen Niyadjabkiisa
Hargeysa:11-Jan-2014(SDN)-Guud ahaan waxa Magaalada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Shacabka Deggeni si weyn u Hadal Hayaan Warka Iscasilaadda ah ee laga sheegayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) oo Dhalasho ahaan Ka Soo Jeeda Caasimadda.
Shacabka ayaa marka la eego Hannaanka ay uga hadlayaan iscasilaaddan intooda badani ku tilmaamaya wax laga naxo oo aanay Haboonayn in la soo dhaweeyo, iyagoo ku andaconaya inay Tusaale u tahay kala jajabka iyo Burburka ku yimi isku duubnidii iyo kalsoonidi shacabka Reer Somaliland isku qabeen.
Sidoo kale waxa jira Dad u arka tallaabo Haboon oo uu qaaday Guddoomiye Xamarji waxana ay eedda Dusha ka saarayaan Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku sheegayaan inay leexatay oo noqotay mid kooxo dano gaar ah lihi marooriyeen oo dadkii iyo madaxweynihii iska horkeeneen.
Waxa ay shacabka leeyihiin ama muuinayaan in Iscasilaaddani tusaale weyn u tahay inay qaar kalena dhawaan is casili donaan, maadaama haatan shacabkii iyo Beelihii kala duwanaa ee Gobolada wada degenaa ay noqdeen qaar dhexdooda tafaraaruq iyo colaadi dhex gashay, waxana Meelaha Tafaraaruqaasi ragaadiyey ka mid ah Magaalada Burco oo uu Guddoomiye Xamarji muddo dheer Gacanta ku hayey.
Dadka qaar ka mid ah ayaa iyagu tallaabada Uu Xamarji ku dhaqaaqay ku tilmaamay mid geesinimo iyo Hal adayg ku timi, waxana ay sheegayaan inaanay Burco wakhtigan xaadirka ah ahayn meel lagu sii shaqayn karo oo maamulkeeda la sii wadi karo, maadaama ay jirto colaad dhex taalla Beelaha wada Deggen oo haatan Xukuumaddan jirta mid ahi si gaar ah wax uga tirsanayso.
Aragtiyaha kala duwan ee shacabka ayaa marka la isku soo wada Duubo muujinaya inaanay arrinta xamarji haddii ay jirto wax lala yaabo aanay ahayn oo ay haboon tahay in la soo dhaweeyo, iyagoo sheegaya inuu Xamarji intii uu karayey ee ugu badnayd shaqo adag oo dhako-faar ah ka soo qabtay Burco, waxana ay tilmaameen inuu dedaal ugalay inuu magaalada Xasiliyo balse ay taas xukuumaddu doc-faruurtay.
Wararka la xidhiidha Iscasilaada Xamarji ayaa sheegaya in Guddoomiyuhu shaqadiisa ka wadan kari waayey shakhsiyaad iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan oo docfaruur ku hayo shaqada uu hayo, iyadoo la sheegayo in arrimo badan oo uu waanwaan ku dhameeyey ay xkuumaddu ku dhaaftay oo xoog iyo farsamo xumo khasaare iyo nacayb badan keentay ku maamushay.
Ugu dambayntii Tallaabadan la sheegayo inuu Xamarji qaaday, ayaa noqonaysa midii ugu horraysay ee uu Guddoomiye Gobol ku dhaqaaqo, waxana ay noqotay Arrinta loogu hadal haynta badan yahay Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com