Mareykanka oo ciidan u diray Soomaaliya markii u horeysay mudo labaatan sanadood
Muqdisho Jan 11,2014(SDN)-Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah saraakiil ciidamada Africa kala talisa dagaalka ay kula jiraan Shabaab u diray Soomaaliya markii u horeysay mudo labaatan sanadood ka badan.
Ciidamada Mareykanka ayaan hore loogu soo bandhigin cidna hawlaha ay Muqdisho u joogaa oo ah tii u horeysay ee nooceeda ah tan iyo sanadii 1993dii.
Xiligaa oo ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya u gurmaday looga dilay 18 ka mid ahaa Marineska dalkaasi.
Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Barack Obama ayaa aayar aayar u bedeshay siyaasadii ay Soomaliya mudada dheer kula macaamileysay.
Hore waxa uu Mareykanku xarun ciidan oo uu kala socdo dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo Burcad badeeda ugu lahaa dalka Jabuuti.
Sidoo kalena marar ayaa jirtay uu ciidamada sida gaarka ah u tababrani ay gudaha Soomaaliya hawlgalo uga fuliyeen.
Haatanse waxa la shaaciyay in markii u horeysay tiro kooban oo ciidamada Mareykanka ka mid ahi in ay xarun ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Sidoo kale saraakiil ciidan iyo kuwo siyaasadeed ayaa Booqday Muqdisho dhawrkii bilood ee u danbeeyay.
Ciidamada CIAda Mareykanka ayaa qudhooda hawlgalo aan la shaacin ka waday Soomaaliya bilihii u danbeeyay.
Mareykanka ayaa mudadii ka danbeysay 2007dii waxa uu $500 oo million ku bixiyay tababrka iyo qalabeynta ciidamada AMISOM.
Halka uu $170 million oo aan saani u gelin gacan Soomaaliyeed uu ku kharashgareeyay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com