|

Ciidamada Kiinya oo duqeyn ku ku bartilmaansaday hogaamiyaha Al Shabaab

Nairobi Jan 11,2014(SDN)-Ciidamada cirka ee dalka Kiinya ayaa sheegay in duqeyn ay ku qaadeen guddaha Soomaaliya ay ku laayeen xubno ka mida kooxaha xagjirka ee ay dagaalka kula jiraan.

Duqeyntan oo ka dhacday magaalada Garbahaarey ayaa waxa ay ciidamada Kiinya ku dileen ilaa 30 ka mida meliishaadka Shabaabka ee halkaa ku sugnaa.

Ciidamada Kiinya oo arinka ku sheegay fariin ay ku shaaciyeen bogooda Twitter ayaa waxa ay sheegteen in ay ku burburiyeen gawaari dagaal iyo hub kale.

Afhayeenka ciidamada Kiinya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in duqeynta lagu bartilmaansaday hogaamiyaha Shabaabka Ina Godane.

Afhayeenkuse waxa uu sheegay in uu Hogaamiyaha Shabaabku uu goobta la duqeeyay ka tegay 30 daqiiqadod ka hor.

Kooxda Al Shabaab ayaa ilaa iyo haatan aan ka hadal sheegashada ciidamada Kiinya ee lagu bartilmaansaday hogaamiyahooda.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed