|

Xildhibaan Siciid Libaaxo oo ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa Jan 11,2013(SDN)-Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo Oo Kamid ah Golaha guurtida Somalinad Ayaa Sheegay Inay Guul wayn Usoo Hoyin doonaan Waftiga Somaliland Uga Qayb Galaaya Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya Isaga Oo Fariina U Diray Xisbiyada Mucaaridka.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo Oo ah Xubin kamid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa Warayso gaar ah Oo uu Siiyay Wakaalada wararka SOLNA Kaga Hadlay wada Hadalada Dhawaan La Filaayo inay Dalka Turkiga Ku dhex maraan Dalalka Somaliland iyo Somaliya.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo Waxaa Uu Sheegay Wafdiga Uga Qayb galaaya Wada hadlada Ee uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis Inay Shacabka Somaliland Guul wayn uga Soo hoyin doonaan Oo ay Ka keeni Doonaan Wada hadalkaasi, Xildhibaan Siciid Waxaa Uu Sheegay In Somaliland uu Xaq badani kaga Maqan yahay Somaliya Loona baahan yahay Intaa Laga wada hadlo Hadii Lawada Hadlana Uu Markaasi Iman Doono Is fahan iyo Garawshiyo Waxaa Uu Xildhibaanku Intaa Ku daray In Wada Hadalkaasi Lagug Kala Qaboobo Colaaduna aanay Waxba Taraynin Balse ay Haboon tahay In La ilaaliyo Jaarnimada Labada Wadan Lagana Shaqeeyo Nabad gelyada iyo Xasiloonida Mandaqada iyo Sidoo Kalena La xoojiyo Dhinacyada Dhaqaalaha, Caafimaadka, Nabad galyada.

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo, ayaa Geesta waaxaa Fariin U diray Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Waxaanu Sheegay Markay Gudi Baxayso In la Qaato Kalsooni, Waxaanu Sheegay Nidaamka Somaliland ay Qaateen shacabkeedu Inuu yahay In Talada Looga Danbeeyo Cida Ummada Ka Masuulka ah Ee Hagaysa Qaranka, Xukuumaduna ay Xaq u leedahay Inay Kaxaysato Cida ay Ku Kalsoon tahay, Mana aha Ayuu yidhi In La yidhaahdo Maxaa Nalooga Reebay Wada hadalka Waxaanu sheegay inay Muhiim tahay Inay Mucaaridku Sugaan Xiligooda.

Geba gabadii Waxaa uu Sheegay Xildhibaan Siciid Libaaxo Inuu Rajaynaayo, Inay Wada hadalkaasi Kasoo Bixi doonaan wax Wanaagsan Oo dan u ah Labada Dale e Jaarka ah Somaliland iyo Somaliya.

Mawliid Maxamed Siciid.
SOLNA AGENCY REPORTER.

Comments are closed