Maxaa Sababay Is Casilaada laga soo Weriyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar “Xamarje”
Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Warar Xog ogaal ah oo aanu ka helay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa shabakadda Gudgudenews u xaqiijiyay inay xaqiiqo tahay jiritaanka war sheegayay in badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) uu qoraal uu iskaga casilayo xilka badhasaabnimo uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland ka hor intii aanu maanta u kicitimin Itoobiya.
Warku waxa uu intaas ku daray in wararka istiqaaladda Badhaabka Togdheer uu beryahanba isa soo tarayay ka dib. Waxa la sheegay in Badhasaab Xamarje uu ka biyo diiday xadhiga xukuumaddu xidhay badhasaab Ku xigeenkii hore ee Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo uu isagu u arkayay in xadhigiisu uu kaalin weyn ka qaadan karo kala qeybsanaanta shacbiga gobolka Togdheer.
Ilo xog ogaal ah oo aanu ka helay magaaladda Burco ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu ay badhasaabka u soo jeediyeen inuu is casilo, maadaama oo sida la weriyay lagu dhaliilay inuu xakamayn kari waayay xaaladda nabad-gelyo ee Magaaladda Burco. Hase yeeshee waxa la sheegay in Badhasaabku uu ku dooday inaanu is casilayn iyadoo aan xilka laga qaadin.
Badhaabka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Xamarje oo ku sugan Hargeysa wax tafaasiil ah kama uu bixin waxyaabaha ku ajburay inuu xilka ka dego, waxa aan noo suurto gelin inaanu ku helo khadka Telefoonka, maadaama oo caawa Telefoonkiisa gacantu xidhnaa.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo xukuumaddu ka soo saartay istiqaalada Badhaab Xamarje, waxase la filayaa in madaxweynuhu ka go’aan gaadho marka uu dalka ku soo laabto.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com